Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Dagaaliyahano fara badan oo raacsan Ururka Al-Shabaab ayaa maanta gaaray degmada Bardaale ee gobolka Bay halkaasi oo dad badan ay kuso dhaweeyeen iyagoona aan la kulmin wax iska caabin ah.

    Xoogaga Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in saaka waabarigii ay galeen degmadaasi iyagoona kulamo xasaas ah la galay waxgaradka deegaankaasi si ay ugu soo bandhigaan ulajeedka socdaalkooda.

    Dagaaliyahanada Al-Shabaab ayaa isku faafiyay dhinacyada kala duwan ee magaalada marki ay gaareen iyadoona halkaasi ay ka kala dhuunteen maleeshiyaadkii raacsanaa maamulka dawladda Federaalka.

    Ma jiraan wax hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay howlgalkaasi iyadoona xoogagi degmada Bardaale galay aysan wax hadal ah u jeedin dadkii halkaasi kusoo dhaweeyay.

    Xoogaga Al-Shabaab ayaa dhowr jeer sidaasi oo kale ula wareegay gacan ku heynta degmooyin hoos yimaada Bay iyo Bakool iyadoona ay  kusoo dabaaleen goobihii ay tageen amni iyo nabad galyo.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)