SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Kooxaha kasoo horjeeda dowladda ayaa waxaa la xaqiijiyay in habeenkii xalay ay galeen Gudaha Magaalada Baladweyne iyaga oo halkaasina markii ay galeen afka aadiyay dhanka Xarumaha Dowladda.
Xoogagani ayaa lagu soo waramayaa in ay dab qabadsiiyeen Xarunta Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf dabageed iyo xarumo kale iyadoo mar waliba ay rasaas kor u ridayeen.
Isla habeenkii xalay ayaa waxaa iska casilay shaqadii ay u hayeen Maamulka gobolka qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan kadib markii ay u baqeen Naftooda sida ay iyagu afkooda ka sheegteen.
Mas’uuliyiintii xilka iska casishay ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Mr.Arwaax, Guddoomiyaha arimaha dhaqaalaha ee Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Kaynaan Xuushow iyo Guddoomiye ku xigeenka Arimaha siyaasada Degmada Baladweyne Ibraahim Rashiid Cali.
Dhammaantood waxa ay sheegeen in ay u baqeen naftooda taasina ay ku qasabtay in ay iska casilaan shaqadii ay hayeen, waxaana ay sheegeen in wixii maanta ka dambeeya ay kamid yihiin bulshada rayidka ah.
Waa markii ugu horeysay oo mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ay iska casilaan shaqadooda kadib hanjabaadyo kasoo gaaray kooxaha kasoo horjeeda dowladda
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Xoogagga kasoo horjeeda dowladda oo xalay galay Baladweyne iyo qaar kamid ah Maamulkii Gobolkaasi oo iscasilay.
- Magacyada Ergooyinka Shir Dib U Heshiisiinta Ee Jabuuti.
- Maleeshiyaada Imbagati Oo Boob Ka Waday Suuq Bacaad.
- wadaadadii qabsaday Jowhar oo sii daayay maxaabiistii Daawo Video
- Dad Somalied oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo bay ee ku yaal Gacan Biyoodka Cuba oo la sii deeyn lahaa Ayaa dib loo dhigay sii deeyntooda
- Degmada Buuloburto oo gacanta ku dhigtay kooxaha iska caabinta ka dib markii...
- Xagee.ku danbeeyeen suudkii iyo isla weynidii wariye idaawaqaca hada waxa uu ku jiraa xero qaxooti.dhabanka iyo gacanta.ayaa isu daalay
- Wareysi VOA Isbaheysiga Asmara oo ka hadlay kulanka jabuuti
- Baabuur dagaal oo kaso goosatay Yuusuf Daba Geed oo isku soo dhiibtay Ciidanka Midowga Maxaakimta Islaamka.
- Adis abbaba oo ka dhacay labo qarax (Dhageeyso)
- 10-ka bisha May oo ey isa soo hor fariisan doonaan mucaaradka iyo dowladda (Daawo Video)
- Gudoomiye Yuusuf Dabageed oo sarakiishii Itoobiyaanka ee ka baxay Balad Weyne ku baryaya in ay dib usoo laabtaan.