SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Dagaaliyahano fara badan oo raacsan Ururka Al-Shabaab ayaa maanta gaaray degmada Bardaale ee gobolka Bay halkaasi oo dad badan ay kuso dhaweeyeen iyagoona aan la kulmin wax iska caabin ah.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in saaka waabarigii ay galeen degmadaasi iyagoona kulamo xasaas ah la galay waxgaradka deegaankaasi si ay ugu soo bandhigaan ulajeedka socdaalkooda.
Dagaaliyahanada Al-Shabaab ayaa isku faafiyay dhinacyada kala duwan ee magaalada marki ay gaareen iyadoona halkaasi ay ka kala dhuunteen maleeshiyaadkii raacsanaa maamulka dawladda Federaalka.
Ma jiraan wax hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay howlgalkaasi iyadoona xoogagi degmada Bardaale galay aysan wax hadal ah u jeedin dadkii halkaasi kusoo dhaweeyay.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa dhowr jeer sidaasi oo kale ula wareegay gacan ku heynta degmooyin hoos yimaada Bay iyo Bakool iyadoona ay kusoo dabaaleen goobihii ay tageen amni iyo nabad galyo.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this