Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    --------------------------------------------------------------------------------

    Niyadjabka waxaa loola jeedaa, markay jirto xaalad dareen ah oo uu qofku muddo dheer dareemayo dhib iyo ciriri nafsadda ah, noloshuna ay u muuqato mid aan iftiin lahayn. Marka qofka uu hayo niyadjab, haba yaraateen ma jiraan wax uu dareen wanaagsan oo farxad geliya ka helayo. Qofka niyadjabku hayo inuu hawl bilaabo way ku adag tahay, si dhakhso ah ayuuna u daalaa. Inta badanna way ku adag tahay inuu go’aan gaaro. Waxaa sidoo kale ku adag inuu qalbigiisu u soo jeedo tusaale ahaan waxbarashada iyo wax akhriskaba.
    Qofka niyadjabku hayo hurdo xumo ayuu badannaa leeyahay, waana wax iska caadi ah inuu subaxa hore kaco. Qofka niyadjabku dhibaatada ku hayo hurdada inuu helo ayaa mararka qaar ku adkaata, ama hurdo fiican ma seexdo, oo marar badan ayuu toosaa. Mararka qaarkood niyadjabku wuxuu leeyahay hurdo aad u badan. Cunto xumo iyo culayska qofka oo hoos u dhaca ayuu niyadjabku badannaa leeyahay, mararka qaarse qofka niyaadjabku hayo cunto aad u badan oo intuu u baahnaa ka badan ayuu cunaa.
    Qofka niyadjabku hayo inta badan wuu iska kulul yahay, waxaana dhici karta inay ku adkaato inuu dadka la joogo. Sidoo kale waa wax caadi ah inuu qofku nafsadiisa aad u eedeeyo. Fikrado dhimashada la xiriira iyo inuu ku fekero inuu isdilo caadi ayey u yihiin qofka niyadjabku hayo. Qofku wuxuu kaloo isku arkaa xanuunno jirka ah (jimsiga ah) oo kala duwan, sida madax xanuun, murqo xanuun, calool xanuun iyo dhabar xanuun. Xanuunadaasna inta badan looma helo sabab keeni karta, oo ah wax xubnaha jirka ku dhacay.

    Diiqaddu waa qeexid caafimaad oo koobaysa waxyaalo badan oo ku saabsan ciriiriga nafta. Sideeda ugu sahlan diiqaddu waxay kugu keeni kartaa niyad-jab, kaa soo iska kaa hortaagaya noloshaada caadiga ah. Wax kasta waxa ay kugu adkaanaysaa, kugu noqonaysaana mid aan qiimo badnayn. Markeeda ugu xun, diiqaddu nafta khatar bay gelisaa. Waxa laga yaabaa inaad ku fekerto in aad is dishid, ama awoodaada nololeed dhimato.

    Dad badan oo diiqadaysani waxay la kulmaan kacsanaan (isku buuq). Waxaad kacsanaataa marka aad dareentid khatar, khatrtu dhab ha ahaato, ama malayn. Kacsanaantu waxa laga yaabaa inay keento calaamado jirka ah, sida madax xanuun muruq xanuun, dhidid, iyo wareer. Kuwa kacsani waxay haystaan maskax aad mashquul u ah, feker soo noq-noqda. Kuwan oo sababi kara in ay kugu adkaato in aad nasato, ama seexato. Mudadda dheer kacsanaantu waxay keentaa daal jirka ah, iyo cafimaad xumo guud.

    Murugada, diiqadda ama niyad jabka waxay waxyeelaysaa qofka niyadiisa.

    Murugo fudud: Dad badan ayaa waxa soo mara intay noolyihiin diiqad fudud, tusaale ahaan tiraanyo ama ma doonayaan inay wax qabtaano.
    Murugo Culus: Calaamadaha lagu yaqaano waxa ka mid ah:

    Tiraanyo ama rajo la’aan; qofka oo aan wax dan ah ka lahayn inu wax qabto sida shaqada, waxyaabaha u xiiseeyo ama nadaafadda
    Dhibaatooyin hurdada
    Cunto-xumi ama cunto-diidmo
    Miisaanka qofka oo hoos u dhaco
    Tamar la’aan
    Dareen ah isdil ama qofka oo doonaya inu dhinto
    Dareen ah inu qofku dambiile yahay
    Rajo la’aan
    Dareen ah inaanu qofku wax qiime ah lahayn

    Murugo, ha ahaato mid fudud ama mid culus, waxa sabab u noqon kara dhacdooyinka qofka noloshiisa la kulmay, tusaale ahaan geeri ku dhaco qof la jecel yahay, shaqada oo aad waydid, ama isku dayida la-qabsiga nolosha wadan cusub. Hase yeeshee, waxa kale oo keeni kara sababo qofka ka baxsan oo aan la garanaynin. Haddii aanad hubin inta ay murugo leeg tahay, fadlan u tag dhakhtar ama shaqaale caafimaad.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)