Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 4 votes)

    Erayga hoormoonka asalkiisa wuxuu ka soo jeedaa luqadii qadiimka aheyd ee Giriiga (Hormao), oo macnaheedu tahay: "Anigaa fal geliyay".

    Luqadaha badankood halkaas ayay ka soo wada qaateen, qaamuuska ingiriiska waxay ku soo biirtay 1906-dii, luqadaha kale oo ay ka mid yihiin(faransiiska, talyaaniga, spanishka, germalka iyo arabiga) ma qabaan eray la macna ah ama u dhigma kalmadda hormone.

    Soomaaline waxay ku noqoneysaa "Hoormoon"

    Hoormoonka waa walax kiimiko ah oo kontoroola ama dabbara waxqabadka qaar ka mid ah unugyada iyo xubnaha jirkeena (Fal galiya unugyada jirka qaar ka mid ah).

    Hoormoonka wuxuu asaasi u yahay waxqabadkeena nolosha maalmeed sida: dheef shiidka, taranka, xakameynta niyadda qofka (faraxa, xanaaqa, dhaxdinta iwm).

    Hoormoonka waxaa lagu sameeyaa qanjirrada, halkaasoo laga soo daayo, kadib soo gaaro unugga iyo xubinta ay fal galin lahaayeen iyagoo soo raaca dhiiga.

    Hormoonada caanka ah ee somailda badanaa taqaano waxaa ka mid ah "Insulin".

    Qofka sidan ayaa ugu sharxi kartaa:
    Progesterone waa hoormoon sida Insulin-ka oo kale ah lakin shaqadiisa ka duwan.
    Progesterone waa hoormoon ku shaqo leh isku duba ridka iyo kontoroolida caadada dumarka iyo uurkaba, wuxuu kaloo ka qeybqaataa abuurka uur-jiifka.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)