SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u bilaabay baaritaanka macdanta oo mudooyinkii dambe maamulku Ku taamayay bilaabida iyo hirgalinta arinka shidaal qodosta.
Wafdi uu hogaaminayay wasiirka macdan iyo batrooka Puntland Xasan Aloore oo ay ka mid ahaayeen wasiir Ku xigeeno, khubaro ajaanib ah oo ka socotay shirkadda qandaraaska fulinaysa ee African Oil Iyo Dadka Deegaanka Ufayn gaar ahaan degaanka Dharoor oo aan waxba ka fogayn Ufayn ee gobolka bari ayaa si wada jir ah u gaaray goobta laga qodayo shidaalka.
Wafdigaasi ayaa waxa horey u sii raacay ciidan gaar ah oo loo tababaray arintani kuna hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo qalabka lagu howlgalayo gaar ahaan kuwa baaritaanka lagu fulinayo oo lagu raray gaadiidka waaweyn oo iyaguna ka shiraacday Bosaso.
Wasiirka macdanta iyo batroolka Xasan Aloore oo ka hadlayay xaflada furitaanka ayaa sheegay in mashruucan ay ka fa'iideysanayaan kumanaan dadka shacabka ah kuwaasoo Shaqooyin ka helay, gaadiidleydaha iyana la shaqaaleeyay, wuxuuna intaa raaciyay in tirada shaqaalaha dhawaan la kor dhin doono.
Mid ka mid ah odayaasha degaanka Ufayn ayaa isagana muujiyay habka ay ugu faraxsanyihiin arintani islamarkaana shacabka deegaanka Ufeyn soo dhaweenayaan mamulkana ay ku gacan siinayaan.
Kenth Watson oo ah madaxa Shirkada mashruucan fulinaysa ayaa isana dareenkiisa ku cabiray in uu yahay mid aad u sareeya, waxaana uu sheegay in uu la fajacay habka ay dadku maanta u soo dhaweyeen isaga oo balan qaaday in ay dadku heli doonaan waxa ey uga baahan yihiin goobaha La baaarayo.
Bilaabida mashruucan ayaa ku soo beegmaya xili madaxweynaha Puntland Cadde Musse uu soo gaaray magaalada Bosaso galinkii dambe ee shalay kadib safaro dhaadheer oo uu dalka dibadiisu ugu maqnaa.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Dagaaliyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gaaray degmada Bardaale halkaasina si weyn ay dadweynuhu ugu soo dhaweeyeen.
- Qarax goor dhaw ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, kaasoo Sababay dhaawac dad rayid ah..
- Isbaheeysiga Dib u xoreeynta oo ku Hanjabay Ineey isaga baxayaan Wada hadalada Lagu balan san yahay Dalka Jabuuti
- Afhayeenka Maxaakiimta Islaamiga oo Falkii Mareeykanka uu ku Dilay Macalin Aadan Ceeroow ku tilmaamay Fal Fulaynimo ah (Dhageeyso)
- Dagaal yahada Ururka Al shabaab oo maanta lawareegay Degmada Ufurow ee Gobalka Bay.
- Xoogagga kasoo horjeeda dowladda oo xalay galay Baladweyne iyo qaar kamid ah Maamulkii Gobolkaasi oo iscasilay.
- Dagaal xoogan oo caawa ka dhacay Isgoyska Ex Control Balcad iyo hareeraha Warshadii Baastada.
- C/QAASIM SALAAD XASAN: “C/llaahi Yuusuf haddii uu is-leeyahay C/qaasim ha cararo, haddii aan cararayo mar hore ayaan carari lahaa.
- Qarax Ciidanka Ugandha Ee Amisom lagula Beegsaday Wadada aada Garoonka Aadan Cade
- Shiikh Xasan Daahir oo sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka saarayaan Soomaaliya, Shirka Jabuuti-na aysan waxba ka soo baxeynin
- Dagaalkii ugu cuslaa oo caawa ka dhacay hareeraha Xarunta Asluubta ee ciidamada Itoobiyaanka.(Dhageeyso)
- Maxkamadaha Islaamka oo shaaciyay in ay awood kusoo furanayaan markab ku afduuban xeebaha gobollada dhexe.