Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ah Gudoomiyaha ISbaheeysiga Dib u xoreeynta Soomaaliya ee Fadhigiisu yahay Magaalada Asmara ee Dalka Ereteriya ayaa ku hanjabay ineey joojinayaa Ka qeeyb galka Shirka lagu wado inuu ka dhaco Dalka Jabuuti biloowga bishan May.


    Shiikh Shariif oo u waramayey Telefeshinka Afka Carabiga ku hadla ee Al-jazeera ayaa hadalkaasi jeediyey isagoo sabab uga dhigay joojintaasi kadib markii Ciidamada Mareeykanka ee fadhiya Badweynta Soomaaliya eey duqeeyn ku dileen Hogaamiye yaal sare oo ka tirsan Xoogaga wax iska caabinta iyo tiro dadkale oo rayid ah gobolka Galgaduud.

    Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u Xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay duqeyntii maraykanku mid lagu carqaladeeynayo wada hadalada dib u heshiisiinta oo eey diyaarineeyso Qaramada Midoobay.


    Shiikh shariif ayaa Carabka ku adkeeyey in Xarakadda Al-Shabaab aysan ahayn kuwo laga faquuqayo Maxkamadaha intooda kale isagoo cadeeyey ineey yihiin Udub dhexaadka  Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya.

    Shiikh shariif ayaa sheegay ineey tixgelinayaan shirkaasi si nabad loo gaaro lakiin eey ka firsanayaan talaabada eey uga qeeyb galayaa inta eey sii socoto Cadaawada lagu bur burinayo dadka soomaaliyeed, "Duqeeynta iyo dhibaatada joogtada ahi waa arin carqalad ku aha runtii si loo helo Jawi lagu wada hadli karo " ayuu yiri shiikhu.


    Dhinaca kale Sheekha Xasan Daahir ayaa ku tilmaamay falalkii ugu dambeeyay ee lagu dilay Aadan cayroow iyo waliba dad kale oo rayidka ahaa ee ay Ciidamada gumeysiga Itoobiya ka geysteen Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo Arin Shaki gelineeysa dhicida wadahadalada dib u heshiisiineed ee ay wado Qaramada Midoobay.

    Sheekh Xasan Daahir ayaa yiri “ wada hadalada Nabadu waxay u baahanyihiin jawi nabdeed oo ku haboon in lagu wada hadlo si horey loogu sii dhaqaajiyo Geedi socodka Nabada” , Shiikh Xasan ayaa ku eedeeyey Itoobiyaanka iyo Mareeykanka ineey ka soo hor jeedaan Wada hadalada Dhex maraya Dowlada ku meel gaarka iyo Isbaheeysiga Dib uxoreeynta soomaaliya.


    Si kastaba ha ahaatee Shacabka soomaaliyeed oo ku daalay Dhibaatada Dab Dheeraatay ayaa aad u eegaya Rajana ka Qaba in wax ka soo bixi karaan Shirkaasi lagu qaban doono dalka Jabuuti si mar uun eey u helaan Nabad waarta iyadoo

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)