SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Tiro lagu qiyaasay 82-ruux ayaa la sheegay in ey ku nafqaayeen dagaalo labadii cisho ee lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah caasimadda Somaliya ee Muqdisho, waxaana dagaaladani oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Itobia oo isku garab ahaa iyo kooxaha kasoo hor jeeda ey sidoo kale geysteen qasaare hantiyeed balaaran iyo dhaawacyo kor u dhaafaya 110-ruux.
Dadkan ku nafwaayay dagaaladan ayaa intooda badano la sheegay in ey ahaayeen dad rayid ah, waxaana sidoo kale jiray khasaarooyin ba`an oo soo kala gaaray garabyada ku dagaalanay degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in madaafiic aan loo meel dayin isaga dul-habsanayeen guryaha, walow tirada rasmiga ah ee ku dhimatay dagaaladan aan wali si rasmi ah loo xaqiijin karin marka laga reebo 82- ee la sheegay.
Waxaa sidoo kale la geeyay cusbitaalada Madiina iyo Dayniile ee magaalada Muqdisho labadii maalmood ee lasoo dhaafay dhaawacyo kor u dhaafaya 100.
Dagaalkan oo ahaa midkii ugu xooga badnaa mudooyinkan danbe ayaa ahaa mid fool ka fool ah oo ey si ba`an isu faro saareen qolooyinka ey dirirtu u dhexeysay.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Xoogagga kasoo horjeeda dowladda oo xalay galay Baladweyne iyo qaar kamid ah Maamulkii Gobolkaasi oo iscasilay.
- Magacyada Ergooyinka Shir Dib U Heshiisiinta Ee Jabuuti.
- Maleeshiyaada Imbagati Oo Boob Ka Waday Suuq Bacaad.
- wadaadadii qabsaday Jowhar oo sii daayay maxaabiistii Daawo Video
- Dad Somalied oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo bay ee ku yaal Gacan Biyoodka Cuba oo la sii deeyn lahaa Ayaa dib loo dhigay sii deeyntooda
- Degmada Buuloburto oo gacanta ku dhigtay kooxaha iska caabinta ka dib markii...
- Dowlada ku meel gaarka ah oo dagaaladii dhacay ku tilmaamay is difaac iyo nabad sugid
- Guryo ku yaala suuqa xoolaha oo maanta c. Etopianka aay dab qabad siiyeen..
- ilaa iyo 85 oo ku dhimatay dagaalkii shalay100 ku dhaawacmatay iyo wadaadadii la gooracay Daawo Video
- ilaa iyo dhowr -ruux oo ku dhimatay dagaaladii Muqdisho
- Sheekh Shariif oo dib ugu laabtay Asmara
- Meydadka Askar Itoobiyaan ah iyo Xoogag ka tirsan Wax iskacaabinta oo wali laga qaadi la'yahay goobihii lagu dagalamayay iyo dagaal cusub oo meesha ka..