Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Wararka inaga soo gaaraya Degmada Buuloburde ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi gaar ahaan Halgan oo dagaallo uu kudhex marayayay Maanta Maleeshiyo katirsan dowladda iyo Xoogaga kasoo horjeeda.
    Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyadii dowladda lagala wareegay halkaasi ay gacanta kudhigeen illaa 4-gaari oo kuwa dagaalka ah iyo sidoo kale gawaarida raaxada.

    Dadka halkaasi kusugan ayaa u sheegay GOOBJOOG in gacanta lagu dhigay gawaaridii Yuusuf dabageed isla markaana la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen Dabageed iyo mas’uuliyiin katirsan Gobolka sh/dhexe oo wada socday.

    Lama oga illaa iyo iminka khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka dhashay marka laga reebo geerida labo rayid ah iyo 3-kale oo dhaawac ah, waxaana illaa iyo iminka aanan la ogeyn khasaaraha labada dhinac.

    Kala wareegistani Buuloburde lagala wareegay Maleeshiyada dowladda ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa xilli Yuusuf dabageed iyo Jaandhaar ay ku hanjabayeen in ay weerar ku yihiin Xoogaga mar hore qabsaday Jowhar iyo Mahadaay iyo qeybo kamid ah Baladweyne.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)