header
Search the Site   Advanced Search »
Sections
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930


Poll: Vote
boondheere website
Good
Very Good
Excelent
Bad
Very Bad
Poll results | Old polls


Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

War deg deg ah: Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata dayuurado dagaal iyo gaadiid gaashaaman ayaa soo gaaray degmada Caabudwaaq

By boondheerelibaax on November 19,2024

Goor dhoweyd oo duhurnimadii maanta ah ayaa  ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah waxay soo gaareen degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan warar hadda naga soo gaaray degmadaas oo ku soo dhacay warqabadka boggan ee magaalada Muqdisho.

Dad ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa sheegay iney arkeen boqolaal ka tirsan ciidamada Itoobiya oo degmada dhexmaray iyagoo wata gaadiidka loo Uralka ee lagu daad gureeyo ciidamada, gaadiidka kale oo gaashaaman iyo dayuurado dagaal oo noocooda lagu sheegay kuwa qumaatiga u kaca ee loo Helicobterada.


“Ciidamada Itoobiya wey dhexmareen degmada Caabudwaaq dayuurado iyo gaadiid gaashaanam io hub kale oo culus ayey wateen waxayna u gudbeen dhinaca degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ujeedkoodana lama oga” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dadka degan degmnada Caabudwaaq ee la hadlayey warqabadka bogan, waxaana sidoo kale warkan laga sii daayey qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho.

Ilaa hada ma jiraan warar kale oo ka so baxaya arintaas hase ahaatee arintan ayaa ku soo aadeysa xili maalintii shalay midowga afrika uu sheegay in ciidamo itoobiyaan ah ay mar kale soo geli doonaan dalka soomaaliyasi ay ula dagaalamaan xarakada Al-shabaab

Haddii ay wax warar ah ka soo kordhaan warkaas kala soco boggan saacadaha soo socda insha allaah


77 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 1 votes)
Comments (0 posted)
kids_learning_891332612

read_quraan2_478307109

prayer__time_531036670

bar_aljabra_165065489

baro_english_153740289

Most Commented
Most E-mailed
Featured Author