SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Gudoomiyaha ururka dib u xoreynta Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan ururkaasi ayaa ka ambabaxay dalka Jabuuti oo ey maalmahani danbe ku sugnaayeen iyagoo safarkoodu ku wajahnaa sida nalaoo xaqiijiyay magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo xarun u ah.
Wafdiga Sheekha ayaa dhawaan soo gaaray dalka Jabuuti halkaasoo ey kulamo kula qaateen madaxda dalka Jabuuti oo uu horkacayay madaxweyne Geelle iyo odayaal dhaqameedyo Somaliyeed oo ka tirsan beelaha Hawiye kuwaasoo iyana dhawaan Soo gaaray isla Jabuuti.
Imaatinta wafdiga Sheekh Shariif ee Jabuuti ayaa lagu sheegay in uu la xiriiray wadatashiyo ey la sameynayeen madaxda dalkaasi iyo odayaasha mucaaradka ee beelaha Hawiye kaasoo ku aadan arinta d/heshiisiinta iyo wadahadal ey dhawaan la furi doonaan dowladda federalka.
Magaalada Asmara oo ey iminka ku laabteen wafdigan ayaa waxaa ey xarun u tahay isbaheysiga dib u xoreynta Somaliya, waxaana lagu wadaa in ey warbixin ka siiyaan isbaheysiga intiisa kale waxa ey wafdigu kala soo kulmeen dalka Jabuuti.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Xoogagga kasoo horjeeda dowladda oo xalay galay Baladweyne iyo qaar kamid ah Maamulkii Gobolkaasi oo iscasilay.
- Magacyada Ergooyinka Shir Dib U Heshiisiinta Ee Jabuuti.
- Maleeshiyaada Imbagati Oo Boob Ka Waday Suuq Bacaad.
- wadaadadii qabsaday Jowhar oo sii daayay maxaabiistii Daawo Video
- Dad Somalied oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo bay ee ku yaal Gacan Biyoodka Cuba oo la sii deeyn lahaa Ayaa dib loo dhigay sii deeyntooda
- Degmada Buuloburto oo gacanta ku dhigtay kooxaha iska caabinta ka dib markii...
- Dowlada ku meel gaarka ah oo dagaaladii dhacay ku tilmaamay is difaac iyo nabad sugid
- Guryo ku yaala suuqa xoolaha oo maanta c. Etopianka aay dab qabad siiyeen..
- ilaa iyo 85 oo ku dhimatay dagaalkii shalay100 ku dhaawacmatay iyo wadaadadii la gooracay Daawo Video
- ilaa iyo dhowr -ruux oo ku dhimatay dagaaladii Muqdisho
- Sheekh Shariif oo dib ugu laabtay Asmara
- Meydadka Askar Itoobiyaan ah iyo Xoogag ka tirsan Wax iskacaabinta oo wali laga qaadi la'yahay goobihii lagu dagalamayay iyo dagaal cusub oo meesha ka..