Warar lagu kalsoonaan karo oo aynu ka helnay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho loogu Deeqay ku dhawaad 4 Diyaaradood oo Nuuca Helicopterada loo yaqaan.
4 taan Diyaaradood ee helakobtarada ah ayaa waxay durbadiiba bilaabeen in ay howlgalo ka sameeyaan Magaalada Muqdisho Degmooyin ka mid ah dowladda Yugandha oo horay uga balanqaaday inay siineyso si ay ciidamada AMISOM u sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al shabaab oo diidan joogitaanka ciidamada AMISOM.
Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan kadib markii ay diyaaradahaasi soo gaareen magaalada Muqdisho ay durba howlgalo dhinaca basaasnimada ah iyo siwir qaadis ay ka sameeyeen degmooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Huriwaa iyo Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG oo ku saabsan jiritaanka diyaaradahan loogu deeqay Ciidamada AMISOM iyo inay howlgalo ka sameeyeen magaalada Muqdisho.