Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxaay inoo soo xaqiijiyeen   in meydadka tiro badan oo kamid ah Ciidanka Itoobiya ay xooran yihiin wali goobihii shalay lagu dilay ee deegaanada ku dhaw Qubuuraha Barakaat halkaasi oo dagaalkii ka dhacay faraha la iskula tagay.

    Tiro ka badan 4 askari oo meydad ah ayaa yaalla goobahaasi kuwaasi oo aysan u suuragalin ciidanki Itoobiyaanka ee halkaasi lagu jabiyay in ay qaataan isla markaana aysan dib ugu soo laaban.

    Laakin wararku waxaa ay sheegayaan in meydadkaasi uu shiish saaran yahay si ay kaga hortagaan in shacabku soo qaado wadooyinka waaweyna lagu jiido sidii kal hore dadku ay mar waliba ku dhaqaaqi jireen.

    Wararka aanu helnay waxaa ay intaasi ku darayaan in xoogag ka tirsan Wax iska caabinta ay sidoo kale meydadkooda yaallaan meelo aan ka fogeyn halka ay yaallaan meydadka Itoobiyaanka,kuwaasi oo aysan suuragalin wali in laga soo qaado goobahaasi.

    Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyay in 2 kamid ah xoogaga ay ku dhaw yihiin meydadka askar kale oo Itoobiyaan ah taasi oo qasab ka dhigtay in laso qaadi waayo maadaama ay ciidanka Itoobiya iyo xoogagaba si toos ah u wada ilaalsanayaan meydadkasi.

    Dagaal Cusub oo eey ka Qeeyb qaadanayaan Ciidamo Cusub oo Itoobiyaan ah iyo kuwa Dowlada KMg ayaa dhowaan ka qarxay Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.

    Dagaal aad u xoogan oo eey ka qeeyb qaadanayaan Taangiyada iyo Madaafiicda BM ka ayaa ka soconaya Xaafadaha Sos iyo waxara Cade ee Degmada Huriwaa dagaalka markii hore ka qarxay agagaarka SOS ayaa ku fiday xaafado hor leh.


    Dagaalkaan oo daba socda Dagaaladii Shalay ee dhex maray Ciidamada Itoobiyaanka iyo Kuwa Wax iska Caabinta ayaa sameeyn balaaran ku yeeshan Magaalada Muqdisho qeeyba badan oo ka mid ah sida uu noo soo sheegayo wariyaheena Magaalada Muqdisho.

     


    Dagaalka oo Mudo kooban ka socday Isbitaalka SOS iyo Shineemo Cabi waayeel ayaa Ciidanka Itoobiyaanka loo riixay  dhanka Xaafada waxara cade sida aan wararka ku heleeyno halkaas oo uu ka socdo dagaal aad u culus oo fool ka fool ah.

     


    Ciidamada Itoobiyaanka ayaa Madaafiic ka dhaceeysa Qoryaha Taangiga iyo BM ka ku garaacaya xaafadaha Fagax, Arjantiin, Waxara cade ,Suuqa xoolaha, Sos Carafaad ,Qabuuraha Barkaad ilaa iyo  xaafada Dayniile taas qasaare balaaran uu ka soo gaarayo dadka rayidka ah sida la rumeeysan yahay.

     


    Dadka Muqdisho ayaa u yaqaana Madaaficdaan oo kale FOORIYE iyagoo leh Marka Itoobiyaanka marka dhimasho iyo dhibaato balaaran soo gaarto ayey sidaan oo kale ugu qeeybiyaan Magaalada Madaafiicda BM ka ama Fooriyaha.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)