SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Warar laga helaayo ilo wareedyo ku sugan Suuq Bacaad suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in xaalada Suuq Bacaad ay saakay tahay mid aad u kacsan, kadib markii xalay Weerar ku soo qaadeen Maleeshiyaad ka amar qaata Hogaamiye Kooxeedyada Max'ed Dheere & M.W.Darwiish, kuwaasoo doonaayay iney bililiqeystaan goobo cayiman oo ganacsi kadib markii Ganacsatada suuqaasi ay diideen iney bixiyaan taakuleynta dhaqaalaha Maleeshiyaadka Kooxda Imbagati ee u socotay magaalada Jowhar oo sahan la'aan xoogan soo food saartay.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa ilaaliya Suuqaasi ay ka horjoogsadeen Maleeshiyadaasi oo ku hubeysneyd ku dhowaad 4 gaadiidka dagaalka ah oo ay kala lahaayeen Max'ed Dheere & Max'ed Darwiish, Maleeshiyadaan ayaa xiligaasim ku guda jiray falal jebin ah dukaano ganacsi oo suuqaasi ku yaala, waxeyna wararku intaasi raaciyeen inay dagaal muddo gaaban socday uu halkaasi ka dhacay, iyadoo mid ka mid ah maleeshiyaadkii Imbagati ee dhaca waday uu dhaawac soo gaaray kaasi oo ilaa saakay uu yaallay dhaawicisa goobtaasi waxaana Ilaalada Suuqaasi ay diideen in la qaado. isku dhac xoogan ayaa ka dhex qarxay labada dhinac ayaan aheyn midkii ugu horeeyay iyadoo maleeshiyaadka Hogaamiye Kooxeedyada kooxda Imbagati ay caado ka dhigteen iney boobaan bililiqeystaan hantida dadka rayidka ah.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Xoogagga kasoo horjeeda dowladda oo xalay galay Baladweyne iyo qaar kamid ah Maamulkii Gobolkaasi oo iscasilay.
- Lamaanaha ugu dada yar oo laaysku guuriyay
- Magacyada Ergooyinka Shir Dib U Heshiisiinta Ee Jabuuti.
- Maleeshiyaada Imbagati Oo Boob Ka Waday Suuq Bacaad.
- wadaadadii qabsaday Jowhar oo sii daayay maxaabiistii Daawo Video
- Dad Somalied oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo bay ee ku yaal Gacan Biyoodka Cuba oo la sii deeyn lahaa Ayaa dib loo dhigay sii deeyntooda
- Gudoomiye Yuusuf Dabageed oo sarakiishii Itoobiyaanka ee ka baxay Balad Weyne ku baryaya in ay dib usoo laabtaan.
- Shirkada Rangers Oo Gadiid Kala Soo Degtay Boosaaso.
- Maamul la`aan iyo dhac ka taagan Gobalka Hiiraan....
- Shiikh Muukhtaar Roobow: Anaga Ma dilin Ajanabiga, mana jiraan waraaqo aan ognahay oo lagu daadiyey suuqa bakaaraha, digniina u jeediyey dadka sheegta magaca shabaab.
- Wardheere: Soomaalida London waxaan ugu baaqayaa in aanay u kala harin taageeridda Murashaxa Mudane Zakariye X. Maxamuud ee London Assembly (Endorsement)
- Dad fara badan oo xalay dhibaato ay kasoo gaartay Bam gacmeed lagu tuuray Shineemo Marka kutaalla