Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    War hada na soo gaaray aya xaqiijinaya in Xeradii Xeyle Bariise oo u dhow Wershada Baastada ee Degmada Yaaqshiid uu gubanayo kadib markii dagaalkii Maanta Lala helay Madaafiic iyadoo halkasi eey ka baxeeyso Uuro Madow.


    warka aya intaasi ku daraya in Dagaalkii ka dhacay halkaasi Maanta eey Xoogaga Wax iska caabintu  la heleen Qoryaha Garbaha laga rido ee loo yaqaano Baasukayaasha ama RPG kadib duqeeyn halkaasi eey kusameeyeen.


    Qiiqa Shidaalkaasi oo halkasi ku gubtay ayaa laga arkayey banaanka Xerada iyadoo Warbixinada hada soo baxayana eey xaqiijinayaan in halkaasi keeyd shidaal oo u yaalay Ciidamad Itoobiya uu dab qabsaday.


    waa Markii ugu horeeysay oo Xoogaga Wax iska caabintu eey sidaan oo kale Qasaare balaaran u geeystaan Saldhigyada waaweeyn ee Ciidanka Itoobiya ku leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho .

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)