Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Caawa oo taariikhdu ku beegan tahay 17 April 2025 saacadu markii ay ahayd 9:00 habeenimo ayaa xabsiga xarunta CID-da lagasii daayay saxafiyiin Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka ururka saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed Muuse Maxamed Cusmaan iyo Shaafici Muxuyadiin Islow.

                                              
    Masuuliyiintan ayaa maanta 12-kii duhurnimo waxaa laga kexeystay xarunta idaacada codka nabada ee Magaalada Muqdisho,iyadoo lala xiray wariye yaal idaacada ka tirsan oo kala ah :Maxmed Cabdulaahi Abuukar,Maxamed kaafi Cali Muumin,Ibraahim Cabdi xasan iyo Cabdi Kaamil Yuusuf Maxamuud.

      
    Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka oo isla markaana Tifaftire ka ah idaacada codka nabada ayaa ku howlanaa barnaamij tabarrucaad loogu sameynayo wiil yar oo Soomaaliyeed oo dhibaateysan aana lahayn meel uu ka saxaroodo,howshaas oo ay ku jireen mudo 4 todobaad ah,wiilkaas oo lagu magacaabo Mahad Maxamuud makaraan.


      
    Masuuliyiinta ururka saxafiyiinta isboortiga Soomaaliyeed ee maanta ciidamada dowladda Federalku xireen ayaa caawa lagusii daayay amar kasoo baxay taliyaha ciidanka booliska General Qeybdiid,waxaana sii deyntooda gacan ka geystay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee GOS Aadan Xaaji Yabarow (Wiish).

      
    Gudoomiyaaha Ururka saxafiyiinta isboortiga Soomaaliyeed Muuse Maxamed Cusmaan ayaa shabakadan u sheegay in barri ay qaban doonaan shri jaraa’id ooay kaga hadlaayaan siyaabihii loola dhaqamay intii ay xirnaayeen.

    By Yuusuf Yuusuf

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)