Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

     

     

     

     

     

     

    Macalin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamad Diirshe ayaa lagu soo eedeyey inuu fuulay labo will oo dhalinyaro ah kadib markii uu qamri siiyey, iyagoo daroogaysanna uu fuulay. sida uu daabacday Khamiistii 28/03/08 wargayska The Kansas City Star
    in Booliska deegaanka ee Leavenworth ee Kansas City uu kusoo eedeysay Maxamad Diirshe sedex eedeymood oo galmo sharci daro ah, kuwaasoo uu la yeeshay labo wiil oo ardaydiisa ka mid ah. Lama sheegin halka ay wiilasha kasoo jeedaan, laakiin wuxuu wargaysku sheegay inuu wiilasha gurigiisa ku martiqaaday, kadibna Qamri siiyey intii ay marqaansanaayeenna uu fuulay.

    Maxamad ayaa xabsiga ku jira, laakiin dadka deegaanka iyo macalimiintii iskuulka ayuu arrinkani fajac iyo yaab ku noqday. Diirshe oo 26 jir ayaa sanadkii hore ka baxay jaamacadda Saint Mary ee Leavenworth ku taala. falalkan lagu soo eedeeyey Diirshe oo dhacay Oktoobar iyo December sanadkii hore ayaa sidoo kale fajac iyo yaab ku noqon doona Soomaalida Maraykanka oo waxan kaloo ka baxsanyihiin dhaqanka iyo caadada Soomaaliyeed.

    Soomaalidda ayaa inta badan ka sheegata falxumo macaliinta ajnabiga ah ay kula kacaan caruurtooda laakiin in macalin Soomaali ah uu falkan ku kaco ayaa ah naxdin iyo xanuun

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)