Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Muqdisho(AT)Abaaro 4:00 galabnimo ee xiliga magaalada Muqdisho waxaa gebi ahaanba faarujiyey fariisinkii ciidanka dowlada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya ku lahaayeen isgoyska H/wadaag ee magaalada Muqdisho.

    Ciidanka dowlada KMG ah ee fariisinka ku lahaa isgoyska H/wadaag ayaa sidoo kale waxay baneeyeen saldhiga degmada H/wadaag oo fariisin u ahaa ciidankii fadhiyey isgoyska.

    Ka bixintaanka ka dib waxa isgoyska isugu soo baxey sidii caadada aheyd dad shacab ah oo aad u farabadan kuwaas oo ku riyaaqey ka bixitaanka ay ciidanku galabta halkaa isaga baxeen.

    Lama sheegin sababta dhabta ah ee ka dabneysa ka bixitaankan ciidanka dowlada KMG ahi ay ka baxeen galabta saldhiga H/wadaag iyo isgoyska intaba.balse waxaa jira warar sheegayaa in dadka deegaanka tookiyo iyo ciidanka ay ka dhex dhaceen isku dhacyo ka dhashey sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanku ka dib markii ciidanka dowlada KMG ah ee halkaa fariisinka ku lahaa ay wax yeelo u geysteen wiil yar oo 13 jir.

    Wararku waxa ay intaa ku dareen in dadka deeganku ay ciidanka ku weerareen dhagxaan iyo wixii kale ee ay aweedeen, ciidankuna ay isku dayeen in ay dadka kala ceyriyaan balse ay awoodi waayeen sidaana uga baxeen fariisinkii ay ku lahaayeen isgoyska H/wadaag iyo saldhiga intaba.

    Ka bixitaanka ciidanka dowlada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya ay galabta ka baxeen qeybo ka mid ah jidka Wadnsha ayaa ku soo aadaya, xilli dagaal xoogan oo khasaare naf iyo maalba leh u geystey ciidanka dowlada KMG ah uu ka dhacey jidka Wadnaha ee maagalada Muqdisho.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)