Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Macalin Soomaaliyeed oo wax ka dhiga iskuul ku-yaal Gobolka Kansas-City ayaa lagu eedeeyay inuu fara-xumeyn u geystay labo wiil oo dhalinyaro ah,kadib markii uu qamri ka dharjiyay,iyagoo daroogeysana uu fuulay.

     Wargeyska Kansas-City oo soo daabacay dhacdadan ayaa sheegay in macalinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Diirshe uu ku marti-qaaday gurigiisa labo wiil oo ardaydiisa ka mid ah,waxaana lagu eedeeyay inuu ku kacay galmo sharci-darro ah.

    Booliiska magaalada Leaven-worth ee Gobolka Kansas ayaa sheegay inay maxkamad soo taagayaan macalinkan Soomaaliyeed,maadaama uu fuulay,dhalinyaro da,dooda lagu sheegay 16-jir,uu ka dharjiyay qamri,kadibna inta ay suux-sanaayeen uu kula kacay galmo sharci-darro-ah.

    Soomaalida ku dhaqan Gobolka Kansas ayaa arintan la yaab ku noqotay iyo macalimiintii ay wada shaqeyn-jireen, ninkan Soomaaliga ah,waxayna ku tilmaameen arin aad u foolxun kana baxsan dhaqanka iyo caadada lagu yaqaan ragga Soomaaliyeed,sidaas daraadeed ninkan waxaa looga shakisan-yahay inuu yahay Eritariyan ama Itoobiyaan isku dhiibay inuu yahay Soomaali.

    Muuqaalka Ninkan ayey Soomaalida Mareykanka ku dhaqan qaasatan Gobolka Kansas ku sheegeen inuu u muuqaal eg-yahay Itoobiyaan ama Eritariyan,waxaana nasiib-darro dhacday marar fara badan in dadka ka yimaada qaarada Afrika,ay isku dhiibaan magaca Soomaali,dembi markii ay galaana magac xumada uu raaco Qowmiyada Soomaali.

    Warkan oo faah-faahsan ka akhriso halkan asoo af-english ah:
    http://www.kansascity.com/news.html

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)