SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Sida ay shegayaan ilo xog-ogool ah waxaa fashilmey oo is mari waa ku dhamaadey xiriirro iyo kulamo dhex marey safiirkii hore ee dawladda Imbaghatti u joogey Itooboya & Koonfur Afrika C/kariin Laqanyo oo mucaarad noqdey markii C/hi Yuusuf uu xilkii ka qaadey, waxaana xubno ka tirsan Isbahaysigu u sheegeen inuu marka hore Ummaddda Soomaaliyeed cafis weydiisto uuna garawsado khaladaadkii uu geystey, isna waxa uu ku adkaystey in marka hore la qaabilo.
C/kariin Laqanyo ayaa la sheegey inay dhowr jeer isku dhaceen C/hi Yuusuf kadib markii lagu eedeeyey inuu yahay nin si toos ah uga amar qaata Meleze Zenawi oo aan isu haysan inuu u shaqeeyo dawladda C/hi Yuusuf, waxaana uu ka mid ahaa shaqsiyaad siyaasadda ku soo galay xiriir fiican oo ay la lahaayeen saraakiil Itoobiyaan ah.
C/kariin Laqanyo oo ahaa ninkii xarunta Midowga Afrika Soomaaliya u joogey ee afhayeenka u ahaa difaacidda duullaankii Soomaaliya ay Itoobiya ku soo qaadey ayaa maanta markii uu xilkiisii waayey oo C/hi Yuusuf eryey wuxuu magaalada London dadka ku laxawsanayaa hadallo uu isugu ekeysiinayo nin ka soo horjeeda joogitaanka Itoobiya ee Soomaaliya waxaana uu wareysiyo uu bixiyey ku sheegey hadallo ay ka mid yihiin in Soomaaliya aysan argagixiso joogin iyo hadallo la mid ah, waase goorma? Waa markii uu waayey xilkii siyaasadeed ee uu ku doorsadey duullaankii lagu soo qaadey dalka.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Nuur Cadde oo hadalkii hay’adaha Q.M jawaab ka bixiyey.....
- Ciidamo uu hogaaminayay gudoomiyaha gobalka hiiraan oo u ambabaxa dhankaa iyo buleburte ka dib markii xaq udirirka...
- Muwaadiniinta soomaaliyeed oo maanta xoog kula wareegay degmada jowhar....
- WIILKII MELEZ ZENAWI, LAQANYO, OO ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA KA DALBADEY INUU KU SOO BIIRO
- Lamaanaha ugu dada yar oo laaysku guuriyay
- Ciidanka DKMG ah oo galabta ka baxey qeybo ka mid ah jidka Wadnaha.
- Isbitaallada Muqdisho oo la gaarsiiyay Dhaawacyadii ugu badnaa ee laga soo qaado Bakaaro.
- Diyarad basaas aheyd oo kusoo dhacday duleedka mag. Marka
- Ninkii faraxumeeyay arday Mareykan ah ee loo maleeynayay inuu yahay soomaali oo noqday Etophian...
- Wafdi u hogaaminaayo gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Casmara ugu laabtey wadata
- Hoobiyeyaal si ba'an loola dhacay Madaxtooyada,iyo Kuwa jawaabo ah oo haatan ku socda Suuqa Bakaaraha.
- Aw-Kuku:- oo ku geeriyooday muqdisho Alla yaa arxam