Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Ka dib 40 hay’adood oo ah kuwa samafalka u qaabilsan Q.M oo qeylo dhaan xoogan ka muujiyey wax ka qabashada xaalada bani’adanimo ee ka jirta dalka Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” waxa uu ku dhawaaqey in ay wax ka qabanayaan cabashada ka soo yeertay hay’adaha samafalka ee Q.M.

    Nuur Cadde oo shir jaraa’id ku qabtey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ah na Xaruunta loga taalitoyo dawlad kusheega somaliya ka dib wada hadalo uu la yeeshay xubno ka tirsan midowga yurub iyo Q.M waxa uu sheegay in qeylo dhaanta ka soo yeertay hay’adaha samafalka u jooga Soomaaliya ee ku aadan caqabo ka hor taagan wax ka qabashada xaalada bani’adanimo ee meesha xun mareysa ee ka taagan qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ay wax ka qabanayaan ka DKMG ahaan waa sida uu hadalka u dhigayee.

    In ka badan 40 hay’adood oo ka tirsan kuwa samafalka ugu qaabilsan Q.M ayaa qeylo dhaan xoogan ka muujiyey sidii ay gar gaar u gaarsiin lahaayeen dadka ku tabaaleysan qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya kuwaas oo ka qaxey dagaaladii ka dhacey gobolada koonfureed ee dalka.

    Hay’adaha ayaa sidoo kale qoraal ay ka soo saareen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxa ay ku shegeen qoraalkooda in ay adagtahey ka sii shaqeynta gudaha dalka Soomaaliya, sababtoo ah bey leeyihiin waxa nala soo gudboonaatey dhibaatooyin amni daro oo sidii aanu doono waxba dadka u gaarsiin Karin.

    Qeyladhaanta ka soo yeertay hay’adaha qarama midoobey ka dib Nuur Cadde waxa uu sheegay in qiimeynta ay sameeyeen hay’adahu uu ku raacsan yahey, sidaa daraadeedna wax ka qabasho ay mudan tahey xaada hadda dalku ku sugan yahey.

    Waxa uu sidoo kale uu sheegay Nuur Cadde oo hay’adahana u jeediyey in ay wax ka qabanayaan dhibaatada ay sheegteen iyaga oo kaashanaya ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo ciidamadooda gaarka ah.

    Hay’adaha ka socda Q.M ee afka ku balaadhiya badanaa in ay xaaladu qalafsan ka jiraan Soomaaliya oo sidaa lacago xad dhaaf ah ku qaata ayaan sidii la rabey wax uga qaban dhibaatadii ay sheegeen, sidoo kalena gaarin meelaha ay ka jiraan dhibaatooyinku, balse ku meereysta meelo ka sokeeya iyo xog aruurin daahsoon oo aan si dhab ah dadku uga wada war qabin.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)