SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Isbitaallada ugu waaweyn magaalada Muqdisho ayaa waxaa la gaarsiiyay tan iyo xalay dhaawacyadii ugu badnaa ee maalmahani lagu arko Magaalada Muqdisho.
Dhaawacyada qaarkood sida ay dhaqaatiirta u xaqiijiyeen GOOBJOOG waxaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen gudaha isbitalka, waxaana illaa iyo iminka la xaqiijiyay geerida illaa 6-qof oo ah kuwii shalay kusoo dhaawacmay Suuqa Bakaaraha oo Madaafiic ay ku garaaceen Ciidamada Itoobiyaanka.
Lama hayo weli tirada dhabta ah ee dhaawacyadii shalay lakin isbitaallada ayaa waxaa lagu arkayaa mashquul aad u fara badan kuwaasi oo la tacaalaya Dhaawacyada lasoo gaarsiiyay.
Dhinaca kale Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa waxa ay beeniyeen in Hoobiyeyashii shalay lagu garaacay Madaxtooyada xilliga uu kusugnaa Mosfin in aanan laga soo tuurin Suuqa Bakaaraha lakin dowladda ay tahay waxa ay u bartilaameedsaneyso Suuqaasi ujeedooyin gaar ah.
Waxay ku eedeeyeen in goobaha TFG-da laga soo tuuray Madaafiicda lagu garaacay Suuqa Bakaaraha ee ay ku xasuuqmeen dadkani aadka u faraha badan.
Majirto sida caadada u ah cid katirsan TFJ-da oo ka hadashay arrintani taasi oo muujineysa sida ay iskugu raacsan yihiin Itoobiyaanka iyo TFG-da xasuuqa loo geysanayo Shacabka Soomaaliyeed
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Degmada Buuloburto oo gacanta ku dhigtay kooxaha iska caabinta ka dib markii...
- Nuur Cadde oo hadalkii hay’adaha Q.M jawaab ka bixiyey.....
- Ciidamo uu hogaaminayay gudoomiyaha gobalka hiiraan oo u ambabaxa dhankaa iyo buleburte ka dib markii xaq udirirka...
- Muwaadiniinta soomaaliyeed oo maanta xoog kula wareegay degmada jowhar....
- WIILKII MELEZ ZENAWI, LAQANYO, OO ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA KA DALBADEY INUU KU SOO BIIRO
- Lamaanaha ugu dada yar oo laaysku guuriyay
- Boliiska Toronto oo soo helay ragii dilay Cantar jeenyo wiilkiisa oo berito maxkamad la soo joojindoono (Daawo Video)
- Isbitaallada Muqdisho oo la gaarsiiyay Dhaawacyadii ugu badnaa ee laga soo qaado Bakaaro.
- Diyarad basaas aheyd oo kusoo dhacday duleedka mag. Marka
- Ninkii faraxumeeyay arday Mareykan ah ee loo maleeynayay inuu yahay soomaali oo noqday Etophian...
- Wafdi u hogaaminaayo gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Casmara ugu laabtey wadata
- Hoobiyeyaal si ba'an loola dhacay Madaxtooyada,iyo Kuwa jawaabo ah oo haatan ku socda Suuqa Bakaaraha.