Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Ciidamada maamulka gobolka oo ku hubeysan baabuurta dagaalka ayaa u amabaxay dhanka iyo degmada Bulo-burte waxaana warar aan sugnay ay sheegayaan in gudomiye ku xigeenka Gobolka Sh/dhexe Axmed Cumar (Jandhay) iyo ciidan u hogaaminayo ay ku sugan yihiin deegaanka buurweyn ee duleedka konfureed ee Degmadaasi Bulo-burte ee Gobolka Hiiraan walow aan la xaqiijin karin warkaasi.

    Dadka degmada bulo-burte oo aan qadka telefonka kula xariray ayaa ii sheegay in baqdin weyn ay jirto gudaha magaalada bulo-burte taasoo laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco gudaha degmadaasi.

    Kooxaha ka soo horjeedo siyaasada dowlada islamarkaan 26kii bisha xili subax ah gacanta ku dhigay qadar saaco ah degmada jowhar ayaa haatan waxaa la sheegay in la baacsanayo oo labada dhinac laga soo weeraray iyadoo dhinaca koonfurta ay ka soo weerareen sida la sheegay ciidamada maamulka gobolka sh/dhexe iyo kuwa uga yimid dhinac iyo muqdisho halka dhinacan gobolka hiiraana uu ka weeraray gudomiyaha gobolka hiiraan iyo cidan uu hogaaminayo waxaana jirto warar aan sugnay oo sheegayo in ciidamo ethiopia ah ay wehliyaan kuwa gobolka hiiraan balse lama hubo arrintaasi.

    Isku soo wada duuboo kooxahan la raadinayo ayaa la ogeyn halka ay ku sugan yihiin walow fariisimo badan ay ku leeyihiin gudaha gobolada dhexe.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)