Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Xoogagga xaq u-dirir-ka Soomaaliyeed ayaa si aan dhib laheyn ula wareegay gacan ku heynta degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe aroornimadii hore ee saaka.

    Dagaal aan sidaa u buurneyn oo ka dhacay gudaha degmada Jowhar ayey wararku sheegayaan in ay ku dhinteen 7-qof oo 5-kamid ah ay yihiin dhinacyadii dagaalamay, waxaana muddo gaaban kadib ay xaq u-dirir-ku si fudud ula wareegeen gacan ku heynta degmada Jowhar.

    Wararka laga helayo degmadaas ayaa sheegaya in xaq u-dirir-ku ay qabsaden saanad milatari oo u badan hubka loo yaqaan dabajeexyada iyo gaadiid dagaal, iyagoo xabsiga degmada Jowharna ka sii daayey dad si sharci darro ah halkaas ugu xirxirnaa.

    Maamulka gobolka Sh/dhexe ee gumeysiga la shaqeeya ayey wararku sheegayaan in ay u baxsadeen deegaano ku yaala miyiga gobolka Sh/dhexe iyagoo wata gaadiid dagaal oo ay la baxsadeen, wax war ahna lagama hayo maamulka iyo halka ay hadda ku sugan yihiin.

    Dadka ku dhaqan degmada Jowhar ayaa markii ay xaq u-dirir-ku qabsadeen degmadaas waxa ay ku qamaameen goobihii laga maamulayey maamulka gobolka Sh/dhexe halkaas oo ay ka qaateen agabyadii yaalay, waxaana dadku ay si weyn u soo dhaweeyeen xaq u-dirir-ka.

    C/raxiin Ciise Caddow afhayeenka xaq u-dirir-ka ayaa sheegay in ilaah mahaddii ay si aan dhib laheyn ku qabsadeen degmada Jowhar iyo degmada Mahadaay, islamarkaana ay meesha ka saareen maamulkii u adeegayey cadowga ee deegaanadaas ku sugnaa.

    La wareegista deegaano ay horey ugu sugnaayeen maamulada dabadhilifka u ah cadowga ayaa maalmihjii u dambeeyey ku badanaya gobolada dalka, waxaana sidaan oo kale ay xaq u-dirir-ku guul weyn ka gaareen markii ay dagaal uga saareen gumeysiga mid kamid ah xarumahii ugu waaweynaa ee gumeysigu uu ku lahaa xerada maslax.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)