SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Francos Okela oo ah taliyaha ciidamada Amissom ee somalia ayaa maanta R/Wasaaraha dawladda Federaalka Somaliya Nuur Xasan Xuseen Cadde gudoonsiiyay gaadiid la sheegay in loogu talo galay Ciidamada Booliska dawladda Somaliya.
Xaflad aad u balaaran oo lasoo qaban-qaabiyay oo ka dhacday xarunta Gaadiidka Booliska ayaa waxaa kasoo qeybgaleen masuuliyin kala duwan iyadoona halkaasi uu Nuur Cadde ku gudoomay ilaa 8 furayaasha gaadiidkan loogu talo galay ciidamada boliska oo noocoodu ahaayeen TOYOTA.
Mas`uuliyiinta dowlada Kmg somalia ayaa waxaa ay halkaasi ka jeediyeen hadalo ay ku amaanayaan dowlada Uganda waxaana sidoo kale halkaasi hadal ka jeediyay sarkaalka Ugandes ah oo ku sheegay in agabkaasi ay Somaliya ugu deeqday xukuumadda Dalkiisa ee Uganda oo uu sheegay in ay qeyb ka yihin agab kale oo lasoo gaarsiin doono.
Dhankiisa R/Wasaare Nuur Cadde waxaa uu ka mahad celiyay agabkaasi isagoona sheegay in ay wax weyn ku kordhin doonto arrintani howsha Ciidamada Booliska ay ka sameeyaan gudaha Muqdisho.
Goobtii lagu gudoomayay gawaaridaasi ayaa waxaa sidoo kale goob joog ahaa qaar ka mid ah mas`uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneral C.Xasan Cawaale (C.Qaybdiid).
Waa gawaaridii ugu horaysy ee dowlada Uganda ugu deeqdo xukuumada kumeel gaar ah e somalia waxaana ay qayb katahay taageerada ay dowladda Uganda u fidinayso xukuumada kumeel gaar ah ee Somalia .
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Xoogagga kasoo horjeeda dowladda oo xalay galay Baladweyne iyo qaar kamid ah Maamulkii Gobolkaasi oo iscasilay.
- Magacyada Ergooyinka Shir Dib U Heshiisiinta Ee Jabuuti.
- Maleeshiyaada Imbagati Oo Boob Ka Waday Suuq Bacaad.
- wadaadadii qabsaday Jowhar oo sii daayay maxaabiistii Daawo Video
- Dad Somalied oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo bay ee ku yaal Gacan Biyoodka Cuba oo la sii deeyn lahaa Ayaa dib loo dhigay sii deeyntooda
- Degmada Buuloburto oo gacanta ku dhigtay kooxaha iska caabinta ka dib markii...
- Dowlado Carbeed Oo Bilaabay Olole Balaaran
- Iska hor imaad ka dhacay goordhaweyd Degmada wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho. Dhageeyso
- Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo Maanta isku dhiibay Xoogaga wax iskacaabinta ayag iyo gaari tikniko ah (Dhageeyso)
- Amnesty International Oo Itoobiya ku Canbaaraysay waxayaalihii aay u geeysteen..
- "Dhageeyso" Qudbadii A. Yusuf Rag hubeysan hadey masaajid galaan oo ey naga soo xabadeyan, waan ugu galeynaa
- Qarax lala eegtay Gaari Ciidamada dowladda oo gordhaweyd ka dhacay agagaarka Cusbitalka Digfeer.