

Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo oo soo wajahday xaalad Cabsi kadib markii ay hawada sare ku arkeen Diyaaradaha
Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi iyo wal wal ay ka qabaan Diyaaradaha wax Bamgareeya iyo kuwa wax basaasa oo kusoo badanaya hawada sare ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.
Diyaaradahan ayaa waxay yihiin kuwo ku socda joog hoose xiliyada habeenkii iyo maalintii, waxayna arrintan keentay in ay Cabsi ka muujiyaan dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo oo ka cabsi qaba in weerar lagu soo qaado Xoogaga Islaamiyiinta ee gacanta ku haya Magaalada Kismaayo.
Lama oga sida uu xaal noqon doono balse waxaa Magaalada Kismaayo laga dareemayaa Barakac iyo Cabsi aad u xoogan oo dadka soo food saartay.
Jamiilo Aadan Ibraahim oo ah Hooyo Soomaaliyeed isla markaana ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa iyadoo soomaalinews.com uga warbixinaysa jawiga Magaalada iyo diyaaradaha dul heehaabaya Magaalada Kismaayo waxay tiri.
“Tan iyo Markii ay gacan ku haynta Magaalada la wareegeen Muqaawamada oo haatan ka arrimiya Magaalada waxaa nasoo food saartay cabsi iyo walbahaar aad u xoogan”.
“Diyaarado markii hore u akee kuwa waxbasaasa ayaa lasoo kicin jiray, balse hadda waxaa kusoo darsoomay kuwa wax Bamgareeya oo joog hoose ku socda..anagana waxay nagu abuurtay cabsi iyo walbahaar”.
Dad badan oo ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa waxay u muuqdaan kuwo barakac ku jira, waxayna Magaalada u muuqataa mid haawin rabta in kastoo uu yahay Amaanka Magaalada mid aad u heersareeya.
Comments (1 posted):
Post your comment