Siyaasiga Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ahaana Guddomiyihii hore gobolka Banaadir ayaa maantay shir jaraaid uu ku qabtay hoyga u ka daganyahay Magalada Muqdisho waxa uu kaga haday arimo badan oo la xirira marxalada u dalku marayo, gaar ahaan soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya gudaha Soomaaliya.
Guddomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa waxa uu ka hadlay aragtidiisa ku aadan soo galitaanka ciidamada Itoobiya ee wadanka Somaaliya, waxa uuna sheegay in u arrintaasi aad u soo dhaweynayo, islamarkaana aaminsanyahay in ay waxbadan ka badali karaan xaladda ka jirta dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere waxa uu sheegay in dhibatoyinka iyo dagallada ka jira wadanka soomaaliya aysan waxba ka qaban karin Dowladda KMG ah, laakiin loo baahanyahay in shacabka soomaaliyeed ciyaaraan doorkooda isaguna u ugu horeyo wixii tala ah ee dhankiisa looga baahdo ee ku aadan sidii Dowladda ay u hanan lahayd ammaanka guud ee Dalka.
Dowladda KMG awood uma lahan in ay dalka ka ciribtirto alshabaab, marka Itoobiya way ka gacansiinaysaa arrinkasi waana soo dhawaynayaa ka Maxamad ahaan ayuu yiri Guddoomiyihii hore gobolka Banaadir Maxamad Cumar Xabeeb Maxamad Dheere.
Hadadlka Maxamad Dheere ayaa ku soo beegmaya xili siyaasiyiinta iyo aqoon yahanada kale ee Soomaaliyed si weyn uga soo horjeestay soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee soomaaliya waxayna sheegeen in ay kala kulmi doonto Itoobiya talaabadani cawaaqib xumo ka daran tii sanadkii 2006-dii.