

Ra'isulwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo ka dhawaajiyey in ciidamadiisa uu kala bixi doono gudaha Soomaaliya
Ra'isulwasaaraha dalka Itoobiya ayaa ka dhawaajiyey in dowladiisa ay isku diyaarineyso sidii ay ciidamada Itoobiya ee kaugala bixi lahaayeen.
Zenawi oo wareysi siinayey jariirada Financial Times ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya laga soo saarayo Soomaaliya, xitaa haddii aaney xaqiijin amaanka iyo nabadda dalka Soomaaliya.
"Ma sii socon karaan howlaha ay ciidamadeena ka wadaan gudaha Soomaaliya, sababtuna waa beesha caalamka oo dhaqaale aan la garab istagin howlaha amaanka loogu soo celinayo dalka Soomaaliya" ayuu yiri Zenawi.
Wuxuu shaaca ka qaaday in ay joojin doonaan taageerada milati oo ay siiyaan dowladda KMG ah isamarkaana hadda kadib ay dowladda KMG ah ka taageeri doonaan dhinaca siyaasadda, isagoo eedeyn balaaran u jeediyey beesha caalamka oo uu sheegay inay ka gaabiyeen arrimha dalka Soomaaliya.
"Baahiyo waa weyn oo dhinaca ciidanka ah ayaa ka jira gudaha dalkeena, sidaa darteeda ma sii socon karaan howlaha ay ciidamadeenaka wadaan gudaha dalka Soomaaliya" ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Hadalka Ra'isulwasaaraha dalka Itoobiya Meles Zanawi ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Itoobiya ay dagaallo kula jiraan xoogag hubeysan inka badan hal sano iyo bar, iyadoo uu Meles Zanawi mar kasta ku celceliyo inuu ciidamadiisa kala baxayo gudaha dalka Soomaaliya.
Comments (1 posted):
Post your comment