Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 1 votes)

    Askari Mareykan ah oo howlo shaqo u joogay dalka Ciraaq ayaa laga soo masaafuriyay dalkaasi kadib markii lagu eedeeyay in uu ku shiish bartay kutuaabka Qur`aanka Kariimka.

    Boliska Ciraaq oo arintan kashifay ayaa ka helay kutaabka goob fariisin u aheyd ciidamo Mareykan ah oo la faarujiyay, goobtaasoo ku taalay xaafadda Radwaniyah ee galbeedka Baqdaad.

    Madaxda Mareykanka ee ku sugan Ciraaq ayaa arinka ku tilmaamay mid fool xun, waxeyna raali-galin ku aadan arintan oo qoraal ah maalinkii Sabtida aheyd u gudbiyeen hogaamiye diimeedyada dalka Ciraaq gaar ahaan wadaadada Sunida ah.

    Talefishinka CNN ayaa laga soo daayay sarkaal Mareykan ah oo ku sugan dalka Ciraaq kaasoo shuminayay kutaab halka mid kale oo garab fadhiyayna uu raali galin ka bixinayay dhacdadi dahcady.

    Saraakiisha Mareykanka ayaa ka cabsi qaba in arintan ey ku dhaliso naceyb horleh oo loo qaado ciidamadooda iyo in arintani horseedo rabshado fowdo wata oo ka curta Ciraaq.

    Dowladda Mareykanka gaar ahaan wasaaradda difaaca qoraal kasoo baxay ayaa lagu canbaareeyay falkan, waxaana lagu sheegay falkan in uusan aheyn fal ka turjumaya hab-dhaqanka ciidamada Mareykanka balse ahaa mid si nasiib daro ah ku dhacay.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)