Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 1 votes)

    Ra'iisal wasaaraha xukuumadda federaalka KMG ah, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ugu baaqay xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda TFG-da in ay kasoo qeyb galaan kulanka dib u heshiisiinta ee dhowaan la filayo in uu qabsoomo, xilli dhowaan Ra'iisal wasaaraha uu soo bandhigay qorsha dib u heshiisiinta.
    Hadalkan ayuu ka sheegay, shir jaraa'id oo uu galabta ku qabtay R/wasaare Nuur Cadde, hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho, ka dib kulan uu la yeeshay guddiga ammaanka qaranka, isla markaana looga hadlayay arrimaha nabad galyada iyo amni darida ka jira caasimadda.

    Ra'iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanka qeyb ay ka qaadan doonaan sidii loo hir galin lahaa kulankaasi dib u heshiisiineyd sida uu hadalka u dhigay Nuurcadde.

    Dhinaca kale waxa uu sheegay Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) in Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ay u madax banaanyihiin Siyaasadooda isla markaana aanan la xiri karin gaar ahaan garabka  uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad.

    Waa markii ugu horeysay oo Ra'iisal wasaare Nuur Cadde uu shaaca ka qaado, isla markaana uu ugu baaqo in xoogaga hubeysan ay ka qeyb galaan kulanka dib u heshiisiinta, oo uu ku howlan yahay sidii uu u hir galin lahaa iyo sidoo kale in Odayaasha hawiye oo horey dhowr jeer loo xiray ay u madax banaan yihiin Siyaasadooda.

    Illaa iyo iminka lama oga go'aanka Kooxaha kasoo horjeeda dowladda, inkastoo dhowr jeer oo hore ay u sheegeen in aysan wax wada hadal ah la gali doonin, illaa ciidamada Ethiopia gabi ahaanba dalka laga saarayo, inkastoo dowladda KMG ah arrimahaasi hore ay uga hadashay.


     

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)