Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Iska hor imaad aad u xooggan ayaa waxa uu maanta ku dhexmaray Xaafado ka tirsan Degmada Huriwa ciidamda ka tirsan  kuwa Dowladda Faderaalka KMG ah, xilli ay suuqa Dayax ee Degmada Huriwaa ka aruurinayeen lacago sida la sheegay.

    Iska hor imaadkaa ayaa waxaa soo qaaday sida ay dadka deegaanku qeexeen Xoogagga ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda KMG ah iyo joogitaanka dalka Ciidamada Shisheeye, waxaana ay soo qaadeen, xilli Ciidamada Dowladda ay canshuur uruurin ka wadeen Suuqa Dayax qeybtiisa Xoolaha.

    Ku dhawaad waxa uu socday dagaalku muddo saacad ah, waxaana ku dhintay inta la ogyahay ilaa iyo 5-ruux oo ay 4-ka mid ah yihiin ciidamadii goobta ku sugnaa sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

    Dadkii ku ganacsayay Suuqa Dayax intii uu san iska hor imaadku dhicin ayaa kala cararay marka ay xabadii ugu horreysay maqleen, waxaana sida la sheegay goobta ka cararay Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Maamulka Gobolka Banaadir ee canshuur uruurinta ka waday Suuqaas.
     

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)

    More News