Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 2 votes)

    Dad gaaraya 10,000 oo dibad-baxayaal ah ayaa waxaa ay isugu soo baxeen fagaaraha Trafalgar Square ee ku yaala Magaaladda London is ay u xusaan sanad guuradda 5aad ee kasoo wareegtay duulaankii dalkaasi Ciraaq lagu qaaday.

    Waxaana iyana dibad baxaan si weyn uga qayb qaatey Soomaalida ku  dhaqan dalka Ingiriiska, iyagoo ka kala yimid magaalooyinka London, Bermingham, Manchester, Leeds, iyo meelo kale, Soomaalida halkaasi timid ayaa sidatey boorar ay ay ku muujinayaan dhibaatada ka jirta dalkooda oo uu Mareykanka horseedka ka yahay iyo xasuuqa ciidamada Ethopia ka wadaan gudaha Soomaaliya.
    Dibad-baxayaashu waxaa ay ku dhawaaqayeen ama ay codsanayeen in Ciidamada dalalkaasi jooga ay isaga baxaan Ciraaq  Afqaanistan, Soomaaliya iyo xuduuda qaza-na in dib loo furo.
    Inkastoo dadka intooda badan ay ahaayeen Dadyowga dalkan u dhashay ee sida wayn u diidan duulaankii ciraaq hadana waxaa si wayn uga qaybgalay Jaaliyadaha Ciraaq, Afqaanistaan, Falastiin iyo Soomaali.
    George Galloway oo kamid ah Mudanayaasha baarlamanka dalkan ayaa waxaa uu halkaasi uga hadlay dhibaatooyinka ay Maraykanka iyo Britain ku hayaan dalalka Ciraaq iyo Afqaanistaan iyo duulaanka lala damacsan yahay dalka iiraan, isagoo si weyn u dhaleeceyey wasaarada gashaandhiga dalka Britian , madaxda dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, isagoo ku tilmaamay daanyeero iyo dameero aan caqli lahayn,wasiirka gashandhiga dalka Ingiriiska waxa u yiri dareeska ciidamadeena kuma qadan karaan magaalooyinka wadanka Ingiriiska iyagoo ka baqaayo in la waxyeelo hasayeshee Goerge Gallaway ayaa yiri dambiyada ay ka gaysanayaan dunida in dadka Britian ku nool raali ka aheyn bay ku tusaysaa madaama aysan halkaan labiska ku xiran Karin, waxaan leeyahay soo laabto kana soo baxa dambiyada aad gacanta kula jirtaan, waan idin soo dhaweynaynaa, guryihiina iyo dariiqyada magaalooyinka Ingiriiska ku xirta labiskiina idinkoo nala jooga si aan idin xushmayno  ayuu yiri mudanahaan oo ah ninka sida weyn looga yaqaan dalka Ingiriiska ee diidan siyaasadaha dagaalka ee ay garwadeenka ka yihiin Mareykanka iyo Ingiriiska.


    Sakariye Xaaji Maxamuud oo kamid ah Isbahaysiga dib u xoraynta ee lagu soo dhisay Asmara ayaa kamid ahaa Dadkii Soomaalida ee aan goobta kula kulmay isagoo si wayn uga hadlay Burburka ay Ciidanka Ethiopia iyo Maraykanku ka wadaan dalka Soomaaliya.
    Peer Baroness oo ka tirsan Liberal Democraat ayaa isna kamid ahaa Mas’uuliyiinta sida wayn u qeexay in ay jireen waxyaabo la is daba mariyay ka hor dagaalka intii aan lagu qaadin ciraaq.
    Waxaa iyana meesha ka hadashay gabar ka tirsan xisbiga Respect Salma Yaqoob oo ah ku xigeenka xisbiga Respect ayaa cambaareyn xoogan dusha u huwisay kuwa raba inay sii wadaan colaadaha ka aloosan dunida, waxayna soo hadal qaaday duqayntii ciidamada Mareykanka ay u gaysteen magaalada Dhoobley asbuuci hore,iyadoo ku tilmaamtey in Soomaaliya  waxa ka jira ay yihiin dagaalka aamusan” Silent War”  loona baahan yahay in ciidamada Ethopia Soomaaliya laga saaro, Mareykankana uu joojiya xasuuqa u xasuuqayo dadka Soomaaliyeed ee xaafadahooda hurda ee aan waxbo galabsan.
     
    Dibadbaxayasha ayaa socod dheer ku soo marey wadooyinka dhaxmara  bartamaha magaalada London,iyagoo socodka ka bilaabay Trafel Square hormaranay  aqalka xafiiska raisal wasaaraha Britian ilaa ay garaan aqalka Baarlamaanka dalka Ingiriiska.
    Dadka Soomaaliyeed ee dhigayey dibad baxa ayaa si weyn u soo jiitey dadyoowgii meesha isugu yimid ee ka midaysnaa aragtida dagaal diidka ah, ayaa muujinayey erayo ka dhan ah siyaasada dowlada Mareykanka iyo xasuuqa ay ka wadaan ciidamada Ethopia ee Soomaaliya, dadkii meesha  yimid ayaa loo qaybiyey waraaqo ka hadlaya waxa ka jira Soomaaliya, suxuufiyiinta meesha  yimid ayaa sawiro iyo warar ku saabsan arimaha  Soomaaliya ka qaaday dibad baxayayaasha,waxaa xusid mudan in sawirada kartoonka ee Amiin Caamir ay soo jiiteen indhaha dadkii meesha iskugu yimid iyo kuwii daganaa meelaha socodka lagu marayey,tusaale ahaan sawirka cartoonka Amiin Caamir ee duqaynta Dhoobley  iyo sawirka Meles Zenawi ee u eg bahalka dhiiga ka cabaya dadka maatada ah ayay ka qaateen sawiro badan, suxufiyiinta ajanabiga ah  qaarkood ayaa ka codsaday mudane Zakariye xaaji Mohamud inay u raacan Soomaaliya si ay xaqiiqda jirta indhaha caalamka ugu soo jeediyaan,madaama ay ku qanceen waxyaabihii ay ka cabanayeen dadka Soomaaliyeed.
    Waxaa dibad baxaan ka soo qayb galay oo hogaaminaayey Mudane Zakariye Xaaji Mohamud oo ah ku xigeenka kowaad ee gudiga fulinta ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayna wehliyaan Mohamud Abdi Gaab, Advocaate Qaareey, Cabdi Weli SH, Mohamed,Amina Ahmed Warsame oo dhamaantood ka tirsan golaha dhaxe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, Dr. Abdi Aydiid oo ah gudoomiyaha midnimada Soomaaliweyn, Xildhibaan Bilaal iyo dadwayne Soomaaliyeed oo dagan wadanka Ingiriiska oo diidan gumaysiga dalka qabsaday.
    Ugu dambayntii waxaa fagaaraha ka soo horjeeda Baarlamaanka dalka Ingiriiska ka hadlay mudane Zakariye Xaaji Mohamud, Xildhibaan Bilaal,iyo qaar ka tirsan dhalinyarada Soomaalida UK,iyagoo dhamaantood muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin inay ka soo qayb galaan dibad baxaan oo kale iyo sida loogu baahan yahay in qadiyada Soomaaliya iyo waxa ka jira dunida looga dhaadhicin lahaa,waxaana lagu balamay 10 May in laga soo qayb galo dibad bax weyn oo iyana ka dhici doono magaalada London.
    Dibad baxaan waxaa soo qabanqaabiyey dhalinyarada Soomaaliya ku dhaqan United Kingdom iyo ururka Stop the War coalition,iyagoo gacana ka helay dadka Soomaaliyeed ee diidan gumaysiga dalkooda haysta ee xasuuqaya maatada Soomaaliyeed ee aan waxbo galabsan ee dalkooda loogu yimid iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
    Hadaan nahay isku taga midowga dhalinyarada Soomaaliyeed ee United Kingdom waxaan ku faraxsan nahay inaan dunida tusno waxa ka jira dalkeena, dibax baxaana waxaan kala soo tagnay anagoo dadka Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliyeed ku soo jeedinay waxa ka jira oo xasuuq iyo tacadiyo dagaal ah,waxaana ka helnay Stop the War inay hada kadib arimaha Soomaaliya ka hadalkooda ay diirada saari doonaan,waxaana isla gaarnay heshiis buuxa oo ah wada shaqayn iyo is wargalin.

     


    Dadka Soomaaliyeedna waxaan ugu baaqeynaa inay ka qayb qaataan halganka dib u xoreynta Soomaaliya iyo sidii cadaalada loo horgayn lahaa dambilayaasha dagaalka iyo xasuuqa ka waday Soomaaliya muda dhan 18 sanadood iyo ragime Melas Zenawi ee xasuuqa ka wada Soomaaliya.
    Waxaa goobta dibad baxa si toos ah uga tabinayey ideecada BBC-da suxufi Ridwaan Haji Abdiwali ,isagoo wareysi ka qaaday Gudoomiye ku xigeenka golaha fulinta ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya mudane Zakariye Xaaji Mohamed.
    Waxaana u ku dhamaaday dibad baxaas guul iyo farxad qadiyadii aan u tagnay meeshana waxaan gaarsiinay dad ka badan 10.000 qof.
    Waxaa soo diyaariyey warbixinta soona qaaday sawirada :
    Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
    iyo
    Mohamed Abdulkadir Abdulahi

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)