Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Maxkamad ku taal magaalada Sanca ee dalka Yemen ayaa ka furtay gabar sideed jir ah nin 28-jir ahaa oo lagu magacaabay Faez Ali Thameur kaasoo qabay gabadha oo ey si qasab ah ugu dareen waalidkeed.

    Sideed iyo labaatan jirkan ayaa aqbalay furiinka laga furay gabadha, waxa uuna sheegay in marki uu guursanayay gabadha ey iyadu raali aheyd islamarkaana ey raacday hadalkii waalidkeed kuwaasoo isaga siiyay.

    Kadib markii uu dhacay xukunka lagaga furay gabadhan ninka ayaa waxa ey tiri gabadhan yar " Aad ayaan ugu faraxsanahay in la iga furo ninka, hada ayaan waxaan ku laaban karaa iskuulka oon wax baran karaa".

    Gabadhan oo lagu magacaabo Nojud Mohammed Ali ayaa dhiganeysay fasalka 2-aad ee iskuulka caruurta markii waalidkeed ku dareen ninka, waxanaa uu ninka maxkamada u sheegay in uusan waligiis dilin gabadha inii ey ooridiisa aheyd.

    Dalka Yemen oo ka mid ah dalalka ugu faqiirsan dunida ayaanan la heyd da`g`oan oo lagu guursado dumarka, waxaana uu qareenka gabadhan yari sheegay in guurka ceynkan oo kale ah uusan ugu horeyn kan gabadahn balse uu ka buuxo dalka Yemen.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)