Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 2 votes)

    Sida laga sii daayay Tv-ga RTD ee laga leeyahay dalka Jabuuti ayaa waxaa uu baahiyay in madaxwaynaha Jabuuti Ismaaiil Cumar Geelle waxaana lasheegay in ay kawada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dhanka dib uheshiisiinta.

     

    Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar geelle ayaaxaruntiisa madaxtooyada ee dalka Jabuuti kulan kula qaatay xubno ka tirsan Isbahaysiga dib u xureynta Somaliya oo uu hogaaminayey Shariif Xasan Sheekh Aadan.

    Hogaamiyaha Dalka Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in Somaalidu xalku gacmaheyda uu ku jiro islamarkaana loo baahanyahay wax kasta oo dhibaato ah in laga wada hadlo.

    Sikastaba ha ahaatee Kulanka ay wada Qaateen Mas'uuliyiin ka tirsan Isbahaysiga dib u xureynta Somaliy iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa waxa ay uga wada hadleen xaalada ka taagan dalka Somaliya iyo sidii layskaga kaashan lahaa dhibaatada ka taagan Somaliya islamarkaana lagu dhameey wada hadal.

    Kulankaan oo ahaa mid hordhac ayaa waxa uu ku soo beegm,ayaa xili dalka Jabuuti ay kulansanyihiin qeybaha kala duwan ee Somalida oo ay ka mid yihiin golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye.

    Dhanka kale qaar kamid ah mas.uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxaa ay kusoo warameen in uu dhii doono kulan dhexmara iyaga iyo dowlada.

    Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadaallada lagu raadinayo xal u helidda mushkiladda Soomaaliya ay meel wanaagsan marayaan, isagoo carrabka ku dhuftay in haatan ay Beesha Caalamka u muuqato mid ay dhab ka tahay xalinta dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya.

    Mas`uulkaasi ayaa waxaa uu sheegay in 10-ka bisha May ee soo socota ay kulamada ugu horeeya isugu imaan doonaan Guddiyo Farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dhinacooda, wuxuuna sheegay in ay guddiyadaas qaab farsamo ah uga soo shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa damaanad-qaad ay Soomaaliya uga baxaan Ciidamada Itoobiya iyo sidii markaas kadib ay u qabsoomi lahaayeen kulamo guud oo ay yeeshaan mas'uuliyiinta labada dhinac.

    Ugu dambayn wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dalka jabuuti ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in uu dhici doono kulan heer sare ah oo laga soo saari doono go`aano adag oo dhanka dib uheshiisiinta ah kaasoo la doonayo in uu dhexmaro dowlada somalia iyo macaaradkeeda kusugan Asmara.

    Xigasho:TV-RTD

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)