Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ee isaga tagay magaalada Balad Weyne ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in uu ku sugan yahay deegaanka Feer Feer halkaasi oo saraakiil Itoobiyaan ah oo kula joogo.

    Wararku waxaa ay sheegayaan in Daba Geed uu ku baryayo saraakiisha Itoobiyaanka in ay kusoo laabtaan magaalada Balad Weyne,si maamulkiisa uu halkaasi uu kaga sii jiro.

    Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa mudo laba maalmood ah ka maqan magaalada Balad Weyne waxaana uu ka baxay saacado yar kahor intii magaaladaasi aysan soo galin xoogaga Al-Shabaab.

    Kulamada uu la qaadanayo Daba Geed saraakiishaasi ayaa ka danbeeyay markii ciidankii Itoobiyaanka oo dhan ay isaga baxeen magaalada Balad Weyne taasi oo saameyn muuqata ku yeelatay jiritaanka maamulkiisa.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)