Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    wararka naga soo gaaraya boosaaso ayaa sheegaya in Ugu yaraan 40 gaari oo ah gawaarida ay Soomaalidu u taqaan Cabdi Bilayaasha (Toyota) ayaa labadii casho ee lasoo dhaafay laga soo dejiyay dekedda magaalada Boosaaso.

    Gawaaridan ayaa lagu waramayaa in loosoo dejiyay maleeshiyooyinka 'Ashahaado La Dirirka ee Puntland' (Puntland Intelligence Agency) ee ay maalgeliso hay'adda sirdoonka Mareykanka ee CIA.

    Lama garanayo ujeedada dhabta ah ee laga leeyahay gawaaridan tirada badan, balse warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in gawaaridaas lagu xareeyay garaash uu leeyahay nin lagu magacaabo Liibaan Muuse Boqor oo ay walaalo yihiin madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cadde Muuse.

    Gawaaridan oo laga keenay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa ah nooca la saaro hubka culculus isla markaana loo yaqaan tiknikooyin.

    Maleeshiyada Ashahaado La Dirirka Puntland oo ku shaqeeya lacago ay bixiso hay'adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa lagu eedeeyaa in ay dhibaatooyin badan ka geystaan degaanada Puntland.

    Aqoonyahanno, Culimo, Ganacsato, iyo Waxgarad kale oo reer Puntland ah ayaa isaga cararay degaanada Puntland, haatanna ku nool dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta kadib markii ay la kulmeen hanjabaado is daba joog ah oo ka imaanaya maleeshiyada Ashahaado La Dirirka.

    Sidoo kale, maleeshiyada Ashahaado La Dirirka ayaa lagu eedeeyaa in ay ka dambeeyeen dilal qorsheysan oo loo geystay culumaa'udiin iyo aqoonyahanno Soomaali ah, tan iyo wixii ka dambeeyay sheekadii 'Shimbiraale', goortaas oo uu Kormeyl Cabdullaahi Yuusuf ka dhaadhiciyay sirdoonka Mareykanka in ay argagixiso joogto Soomaaliya.

    Ammaanka iyo kala dambeynta ka jirta degaanada Puntland ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya iyadoo uu jiro loollan siyaasadeed oo u dhaxeeya raggii uu Cabdullaahi Yuusuf uga tegay gacan ku haynta maamulka degaankaas.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)