Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Waxaa 48-kii saac ee ugu dambeeyay gudaha magaalada b/weyne ka jiray dhac iyo qalalaase xoogan kasoo ka dambeysay ka dib markii aanu ka jirin wax maamul ah oo ka shaqeynaya gudaha gobolka hiiraan iyadoo cabsi badana ay jirto.

    Tan iyo markii habeen hore ay gacan ku haynta magaalada b/weyne la wareegeen xoogaga al-shabab islamarkaana ay dil u geysteen macalimiin ajnabi ah oo iskuul ku yaalay b/weyne wax ku barayay ardayda gobolka hiiraan ayaa waxaa meesha ka baxay arrimihii maamulka gobolka iyo amaanka iyadoo shalay kulan ay isugu yimadeen odayaasha dhaqanka gobolka hiiraan lagu shaaciyay in aanu jirin wax maamulka ah maadaama intii badneyd ee maamulka gobolka iyo degmada ay iscasileen kuwa kalan ay isaga carareen gobolka oo ilaa iyo haatan meel ay ku sugan yihiin la garan waxayna odayaashu sheegeen in ay maanta ay ku dhawaaqi doonaan maamul ku meel gaar ah oo shaqeeyo si aan faraha uga bixin kala dambeynta gobolka hiiraan oo si weyn looga baqdin qabo in faraha ay ka baxdo.

    Xalay ayaa gudaha magaalada B/weyne dadweyne badan dhac loogu geystay xilli fiid ah kuwaasoo laga qaatay lacago iyo telefonada gacanta tani ayaana waxaa laga yaabaa in ay sababto in meesha ay ka baxdo kala dambeyntii iyo amaankii gobolka Hiiraan.

    Waxaa sidoo kale xalay magaalada b/weyne lagu daadiyay warqado digniin ah oo lagula hadlayo ganacsatada gobolka hiiraan looguna sheegayo in ay 100$ dollar 2600 labo milyan iyo lix boqol Shiling so, oo kali ah ku sarifaan iyadoo suuqana saakay ay si aad ah u soo buux dhaafiyeen dadweyne aad u badan oo doonayo in ay sariftaan lacago balse wayay cid ay ka siriftaa lacagaha intabadana suuq sarifka lacagaha qalaad ayaa xiran saakay marka laga tago 1 nin oo ganacsado ah kaasoo ku sarifayay lacagaha 2600 labo miyan iyo lix boqol.

    Maalmahii ugu dambeeyay ayaa waxaa si aad ah u kacay sarifka 100$ dollar kaasoo gaaray heerkii ugu sareeyay oo ah 3600 sadax milyan iyo lixboqol waxaana taasi ay sababtay in wax laka gadan waayo oo dadku iyo ganacsatadu ay dhib isku qabeeyn maadaama ganacsatadu ay doonayaan in dollar wax ku gataan halak dadweynahuna ay doonayaan in shilling so wax ku gataan.

    Ilaa iyo haatan lama garan cida ka dambeysay warqadaha digniinta ah balse waxaa soo dhaweeyay dadka ku dhaqan magaalada b/weyne oo sheegay in ay ganacsatadu sidee doonaa ka yeelaan sicirka suuqyda dalka waxaana sidoo kale dadweynaha magaalada b/weyne saakay u balansanaayeen in ay dibad bax ka dhan ah sicirka oo aad u kacsan lagu waday in uu ka dhaco gudaha b/weyne taasina waxaa baajiyay sida la sheegay warqadaha digniinta ah.

    Dadka ku dhaqan magaalada b/weyne ayaa cabsi weyn ka keenay xaalada ka jirto magaalada b/weyne ee gobolka hiiraan waxayna sheegeen haddii ay sidan ku sii socoto laga yaalo in dhibaato badan oo dhinaca bini'aadanimada ay ka dhaco gudaha gobolka Hiiraan.

    Waxaa sidoo kale xaalada ka jirto gobolka Hiiraan fariin adag ka soo saaray ururada bulshada rayidka iyo kuwa xaquuqda aadahnaha ee ka howl-galo gobolka Hiiraan, waxayna sheegeen in arrintani ay dusha u ridanayaan mas'uuliyadeeda kooxaha isku hayo siyaasda dalka

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)