Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)
    Dhawaaqa farxadda leh iyo akhbaarta fiican ee London ka soo yeertay in la taageero  ayay mudan tahay.  Sida aan la soconno maadaama ay Soomaali badan u soo haajirtay qurbaha Sooyaalka taariikhda Soomaalida saamayn weyn ayay ku yeelan doonaan.  Waagii hore waa yarayd Soomaalida qurbaha u haajirta laakiin hadda xaaladda waa ka duwan tahay.
     
     Haddaba Soomaalida qurbaha u soo haajirtay waxaa ay la kulmayaan guulo iyo khasaarooyin ilayn waa sidii adduunka lagu yaqaanay wararkoodana waxaa uu isugu jiri doonaa wanaag iyo xumaan (positive or negative)  wararka iga soo gaaraya London ayaa sheegaya in siyaasiyiin badan oo British ah ay bilaabeen inay la soo xiriiraan murashaxa  xiisaha ama soo jiidashada badan ee Zakariya Haaji Maxamuud ayagoo  raadinaya codka Soomaalida isla markaana ku baraarugay awooda cod bixinta Soomaalida London - taasina waa mihiim.  Ogow marka laguu fadhiyo miiska London Assembly iyo marka aad miiska ka maqan tahay isku mid maahan!.
     
    Haddaba arrinta Murashaxnimada Mudane Zakariya Haaji Maxamuud waa arrin lagu farxo mudanna in la taageero sababtoo ah
     
    London Assembly waa meelaha aan baahida dheeraadka ah u qabno maadaama aan ognahay tirada dadkeena ka joogta London baahidooda iyo baahida dhalaankeena ku sugan London ay u qabaan dad inaga mid ah oo ay ku daydaan ama in hawl loo qabto Somali youth in London.
    Mar haddii uu kasbaday ajnabigii xisbigiisa oo ay ku jiraan kuwa ugu caansan innaga oo Soomaali ah miyaan taageeri waynay? Jawabtu waa maya
    Dr.  Zakariya Haaji Maxamuud waa aqoon yahan ku hadla dhowr luqadood oo faham dheeraad ah u leh habka maamulka dawliga iyo assembly u shaqeeyo
    Mudane Zakariye Haaji Maxamuud waa nin jecel Soomaalida iyo Soomaalinimadaba oo la isku hubo wax kasta oo karaankiisa ah inuu u qaban doono Soomaalida London
    Mudane Zakariye Haaji Maxamuud waa nin damacsan in uu dhamaan Soomaalida iyo shacbiga degaanka laga soo doorto danahooda si hufan u mathali doono oo cadaalad ah.
     
    Mudane Zakariya Xaaji Maxamuud waa murashax xiiso badan (colorful) oo meelaha uu shirarka ku qabto awooda inuu soo jiito  dhagaystayaal aad u badan, waxaan xasuustaa markii uu noogu yimid Minnesota sanadkii na soo dhaafay dhamaadkiisii  ee 2007 ayadoo fagaarihii weynaa ee Minneapolis Convention Center uu buuxsamay.
     
     Mudane Zakariye Haaji waxaa uu aad nooga farxiyey markii uu qudbaddiisa badankeed noogu hibeeyey isla markaana nagula dardaarmay waxbarashada in lagu dadaalo asagoo yiri ' Meesha keliya ee noo furan waa in aan ku dadaalno waxbarashada iyo asagoo xasuusiyey in waalidiinta Soomaaliyeed ay waqti badan siiyaan caruurtooda asagoo ku celceliyey in waxbarashada galbeedka ka duwan tahay teenii Soomaaliya.  Dhiirigelinta waxbarasha oo uu ku dheeraaday waxay dadkeena daneeya ama ku hawlan dhaanka iyo waxbarasha Soomaalida Minnesota ku reebtay  xusuus gaar ah oo noqtay ma hadho taasna waan uga mahadcelinaynaa.
     
     Mudane Zakaria in badan ayuu muujiyey welwelka  iyo walaaca uu ka qabo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada London iyo guud ahaan waxbarashada kuwa ku nool London maanta hadii uu isxilqaamay waa in aan ku taageernaa hawsha baaxadda weyn ee ololaha doorashada iyo hawsha weyn ee sugaysa.  Soomaali badan oo ku kala nool dunida dacaladeeda ayaa jeclaan lahayd inay u codeeyaan Mudane Zakariye Haaji laakiin ma awoodaan balse adiga hadii aad nasiib u yeelatay in aad degan tahay mid ka mid ah 13ka waaxood ee London isla markaana aad xaq u leedahay in aad cod bixin kartid fadlan is qor si aad u codeysid oo codee maalinta codeynta kowada May, 2008
     
    Siyaabo badan ayaad u caawin kartaa ololaha doorashada ee Murashaxa Zakariya Haaji Mahamuun oo ay ka mid tahay in aad dhaqaale yar ugu deeqdid, group email dirto, joornaalada yar yare ee 13 xaafadood ee London wax ku qortid, students emails ama face book aad soo gelisid, local TV ama Op-Ed u dirtid wargaysyada ama u sheegtid saaxiibadaa ama ama kuwa kula shaqeeya iwm.
     
    Adduunka gaar ahaan Soomaalida waxay marayaan xilli adag oo kala guur ah marka ka mid noqo taariikhda socota ee saamaynta kugu yeelan doonta soo saaridda mudane Zakariya Xaaji Maxamuud inuu ku guulaysto doorashada London Assembly waa arrin muhiim u ah dhamaan Soomaaliweyn.
     
    Diiwaan galintu waxay ku egtahay 16-ka April 2008
    Foomka Diiwaan galinta kala xiriir Xafiiska: 150 Great Charles Street, Birmingham, B3 3HS.Tel 0121 303 2731/ E-Mail:
    [email protected] ama wac:
              Mobile: 07946627428 – 07939940990 - 07968986231
     
     
    Maxamuud Nuur Wardheere
    [email protected]
    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)