SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Xubno ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kadib markii ay casuumaad ka heleen Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.
Safarka Odayaasha Hawiye oo ah kii u horeeyay ee ay dalka uga ambabaxaan tan iyo markii Dowladda la wareegtay Magaalada Muqdisho, isla markaana muddo dhuumaaleysanayay ayaa waxaa horkacayay Gudoomiyaha Golahaas Maxamed Xasan Xaad iyo Afhayeenada Golahaas Axmed Diiriye waxaana xubno ka ah C/llaahi Dheere, Siraaji iyo xubno kale.
Mas'uuliyiinta maanta ka dhoofay Muqdisho ayaan la garaneyn halka ay kula kulmayaan Sheekh Shariif oo madax u ah Mucaaradka Dowladda, inkastoo ay wararka intaa raacinayaan in diyaaradii qaaday ay tegeyso Dalka Jabuuti, wallow wararka ay qaar ayaa sheegay in kulankasi uu ka dhacayo magalada Asmara ee Dalka Eritrea.
Wararka aan iminka heleyno ayaa sheegaya in ay gaareen Magaalada Jabuuti inkastoo weli aanan la sheegin cidda kusoo dhaweysay halkaasi lakin waxaa la dejiyay hoteello halkaasi kuyaalla.
Waa markii ugu horeeyay oo Odayaashani ay gaaraan Dalka Jabuuti inkastoo aanan la ogeyn waxa ay kawada hadli doonaan iyaga iyo Mas’uuliyiinta ugu sareysa ee Isbaheysiga Asmara.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Xoogagga kasoo horjeeda dowladda oo xalay galay Baladweyne iyo qaar kamid ah Maamulkii Gobolkaasi oo iscasilay.
- Lamaanaha ugu dada yar oo laaysku guuriyay
- Magacyada Ergooyinka Shir Dib U Heshiisiinta Ee Jabuuti.
- Maleeshiyaada Imbagati Oo Boob Ka Waday Suuq Bacaad.
- wadaadadii qabsaday Jowhar oo sii daayay maxaabiistii Daawo Video
- Dad Somalied oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo bay ee ku yaal Gacan Biyoodka Cuba oo la sii deeyn lahaa Ayaa dib loo dhigay sii deeyntooda
- Gudoomiye Yuusuf Dabageed oo sarakiishii Itoobiyaanka ee ka baxay Balad Weyne ku baryaya in ay dib usoo laabtaan.
- Shirkada Rangers Oo Gadiid Kala Soo Degtay Boosaaso.
- Maamul la`aan iyo dhac ka taagan Gobalka Hiiraan....
- Shiikh Muukhtaar Roobow: Anaga Ma dilin Ajanabiga, mana jiraan waraaqo aan ognahay oo lagu daadiyey suuqa bakaaraha, digniina u jeediyey dadka sheegta magaca shabaab.
- Wardheere: Soomaalida London waxaan ugu baaqayaa in aanay u kala harin taageeridda Murashaxa Mudane Zakariye X. Maxamuud ee London Assembly (Endorsement)
- Dad fara badan oo xalay dhibaato ay kasoo gaartay Bam gacmeed lagu tuuray Shineemo Marka kutaalla