Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Howl-gal ay shalay galinkii dambe sameeyeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ku soo qab-qabteen ku dhawaad 14-qof oo ganacsato ah kuwaasoo sida la cadeeyay looga shakiyay qaraxii shalay qasaaraha badan geystay in ay ku lug leeyihiin.

    Raggan ganacsatada ah ayaa shalay iyo saakay eheladoodu ku guuleysteen in la sii daayo walow ay ku andacoonayaan qaar ka mid ah raggaasi ganacsatada ah in uu ahaa xarigooda mid aan loo meel dayan oo sharci daro ah waxayna sheegeen in ay maxkamad la kori doonaan cid alaale iyo cidii ka dambeysay xarigooda inkastoo aan cadeeyn ilaa iyo haatan cida bixisay amarka lagu soo xiray ganacsatadaasi hadana waxaa jiro warar hoose oo sheegayo in gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabo-geed uu amray in la soo xiro raggaasi.

    Qilaaf xoogan iyo tuhun weyn iyo sidoo kale kala shikin ayaa la sheegay in ay u dhaxeeyso ganacsatada gobolka hiiraan iyo gudoomiyaha gobolka inkastoo dhowr jeer oo hore uu ugu hanjabay gudoomiyaha gobolka ganacsatadu in uu xarig aan waqti lahayn ku sameyn doono qaar ka mid ah ganacsatada waa weyn ee gobolka taasoo uu sabab uga dhigay in ay maal galiyaan kooxaha ka soo horjeedo siyaasadiisa.

    Xarigan shalay loo geystay ganacsatada ayaa waxaa uu keenay in ay xirmaan dhamaan goobaha ganacsiga ee waa weyn sida shirkadaha xawaaladaha iyo goobo kale oo muhiin u ah ganacsiga guud ee gobolka hiiraan waxaana arrintaasi walaac ka muujiyay dadka ku dhaqan magaalada b/weyne kuwaasoo sheegay in ay isugu darsameen qasaarihii shalayto gaaray dadka iyo joogsiga ku yimid ganacsiga guud waxeyna ugu baaqeeyn maamulka gobolka in uu wax ka qabto dhibaatada ka jirto gobolka.

    Ciidamada maamulka gobolka ayaa wali waxa ay wadaan howl-galka lagu soo xirxirayo dadka ay kaga shakinsanyihiin qaraxii shalay haseyeeshee macado ilaa iyo haatan waqtiga uu dhamaanayo howl-galkan iyo ula jeedka rasmiga ah ee laga leeyahay.

    Dadka darsa amaanka iyo siyaasada gobolka hiiraan ayaa sheegay in uu faraha ka sii baxayo amaankii lagu yaqiinay gobolka hiiraan waxeyna ka digeen hadii siyaasada maamulka gobolka uu wax ka badali waayo sida ay hada tahay laga yaabo in uu burbur ku yimaadoo maamulka goblka hiiraan taasoo ay sal uga shigeen siiyaraansho ku imaaneyso kalsoonida shacabka ku dhaqan gobolka oo ay ku qabaan maamulka gobolka Hiiraan.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)