SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gabre Zeyd oo 45 -Km u jirta caasimada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia magaaladaas oo uu ku yaalo garoonka Ciidamada Cirka ugu weyn ee dalkaasi, ayaa sheegaya inuu siminaar uga furmay in ka badan 30 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiiro kuxigeeno iyo saraakiil ka tirsan Maleeshiyaadka Kooxda Imbagati
Xubnahan ka tirsan Kooxda Imbagati ayaa maalmo ka hor diyaarad qaas ahi ka qaaday Magaalada Muqdisho, iyagoo tababarkooda la xiriiro arrimaha maamulka, is dhaxgalka iyo barashada luqadaha Tirgeera & Amxaariga, sida ay sheegayaan dad xog ogaal ah. Siminaarkan waxaa si gaar ah u soo qaban qaabisay Wasaarada Arrimaha Dibada Dalka Ethiopia, waxaana furitaanka siminaarkaas hadalo ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia Seyoum Mesfin. Furitaankii Siminaarkan oo ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa waxaa uu ku eedeeyay Beesha Caalamka in ay ka gaabiyeen kaalmadii ay siin lahaayeen Dowladda Soomaaliya.
"Adduunyada anaga ayay nagu eegaysaa Soomaaliya waana nasiib daro aad u weyn ayuu raaciyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya"ayuu yiri Seyoum Mesfin., waxaana Magaaladaas xarun ay u tahay Ciidamada Cirka Dalka Ethiopia, qabsoomida Siminaarkan gacan weyn ka geystay Ciidamada. Ujeedada loo qabtay Siminaarkan ayaa waxay tahay in xubnahaas ka tirsan Dowladda Federaalka la baro Maamulka, Maareynta iyo horumarinta Ganacsiga, iyo luqadaha Tigreega & Amxaariga sida ay sheegayan diblomaasiyiin ka tirsan Kooxda Imbagati.Wararka ayaa sheegaya in Siminaarkan uu socon doono ku dhawaad 15 Maalmood ah, sida uu ku caddeeyay furitaankii Siminaarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka jooga Ciidamo Ethiopia,kuwaaso gacan siinaya kooxda uu madaxa ka yahay Hogaamiye Kooxeedka Col. C/laahi Yuusuf, ciidamadaasi ayaa mudadii ay joogeen waxaa la kulmeen iska cabin xoog badan Xoogaga kacdoonka Soomaaliyeed
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Qarax goor dhaw ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, kaasoo Sababay dhaawac dad rayid ah..
- Isbaheeysiga Dib u xoreeynta oo ku Hanjabay Ineey isaga baxayaan Wada hadalada Lagu balan san yahay Dalka Jabuuti
- Afhayeenka Maxaakiimta Islaamiga oo Falkii Mareeykanka uu ku Dilay Macalin Aadan Ceeroow ku tilmaamay Fal Fulaynimo ah (Dhageeyso)
- Dagaal yahada Ururka Al shabaab oo maanta lawareegay Degmada Ufurow ee Gobalka Bay.
- Xoogagga kasoo horjeeda dowladda oo xalay galay Baladweyne iyo qaar kamid ah Maamulkii Gobolkaasi oo iscasilay.
- Magacyada Ergooyinka Shir Dib U Heshiisiinta Ee Jabuuti.
- Dagaal culus oo ka soconaya wadada Wadnaha iyo Qoryaha nuucyadeeda kala duwan oo la maqlayo. (Dhageeyso)
- Mooshin lagu doonayo in lagu rido xukuumada Nuur cade oo Baydhabo ka Socda.
- Hubka-dhigis lagu sameynayo sadexdan masuul
- Dagaal ka socoday shalayto gobolka hiiraan ayaa la sheegaya in uu ku geeriyooday allaha naxariistee taliyihii ciidamada maxaakiimta(Shiekh Amiin Barre)
- Dagaal culus oo laaysku adeegsaday Hub waaweeyn oo iminka ka socda Degmada Garasiyaana ee gobalka Hiiraan Dagaalkaas oo u Dhaxeeya Ciidamada Ethiopianka Iyo Midawga Maxaakiimta...
- Dowlada federalka ee somaliya oo ku faraxsan Dilkii Al_Mujaahid Ceeroow iyo A. yusuf oo ku sugan Paris