Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Wasiirka arimaha dibadda Somaliya Cali Axmed Jangeli oo wareysi siiyay saxaafadda kulankaasi kadib ayaa mar wax laga weydiiyay sida ey xukuumadiisu u aragto duqeyntii dhawaan Mareykanku ku qaarajiyeen hogaamiyaha Al-Shabaab Aadan Xaasi Ceyrow iyo saraakiil ka tirsanaa ururukaaso oo habeen saq dhexe shirayay ayaa yir:

    ""Dilka Ceyrow waxa ay ahayd tilaabo sax ah oo Mareykanka u qaaday dhinaca deganaashiyaha Somaliya," wuxuuna intaa raaciyay in arintani cashar u tahay dhamaan inta carqalada ka wada wadanka Somaliya ee aan dooneynin uu dalku dago.

    Waa markii ugu horeysay oo dowladda faderalku ka hadasho duqeyntii Mareykanka ee degmada Dhuuso-Mareeb halkaasoo lagu qaarajiyay hogaamiyaha Al-Shabaab iyo xubno kale oo lafdhabar u ahaa ururkaasi.

     

    Wafdi sare oo ka socda dowladda federalka Somaliya kuna sugan iminka dalka Fransiiska gaar ahaan magaalada Paris ayaa halkaasi waxaa ku qaabilay madaxweynaha France iyo wasiiro ka tirsan xukuumadaasi.

    Wafdiga dowladda Somaliya iyo madaxda France ayaa yeeshay kulan albaabadu u xirnaayeen, waxaana la sheegay in ey ka wada hadleen arimo dhowr ah oo quseeya Somaliya iyo arinta burcad-badeeda oo ey dowladda France dhawaan talaabo adag ka qaaday arinkaa.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)