Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Sarkaalkii ciidamada Maxaakiimta ee G/Hiiraan ayaa shalay galinkii dambe ku geeriyooday dagaal kadhacay gobolka Hiiraan kaasoo dhexmaray ciidamada Maxaakiimta iyo kuwa Itobia.

    Ka gadaal dagaal gelinkii danbe ee shalay ku dhexmaray ciidamada Ethiopia iyo xoogaga hubeysan ee taabacsan Maxkamadaha degaanka Nuur Fanax ee bartamaha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku geeriyooday Taliyihii Ciidamada Maxkamadaha ee Gobolka Hiiraan Sheekh Amiin Barre (Daacad) sida uu saxaafada u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan maxkamadaha oo lagu magacaabo Gaagaale.

    Qasaaraha uu sababay dagaalkaasi ayaa ku dhawaad 3 gawaarida loo yaqaano Uraalka loogu gubay ciidamada Ithopia deegaanada Nuur Fanax Iyo Inta U dhaxeysa magaalada Buula Barde ee Isla Gobolka Hiiraany.

    Sikastaba ha ahaatee dadka deegaankaasi ayaa saakay soo ururiyay meeydadka ilaa sideed qofood oo reer miyi ah oo iyagoo sii cararya ay rasaastu haleeshay kadib markii ciidamada Ethiopia oo xalay halkaasi ku hoyday ay saakay isaga huleeleen.

    Dagaalkani ayaa yimid kadib markii kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Ethiopia oo ka soo guuray degmada Buulo Burde ay xoogaga maxkamaduhu wadada u galeen isla markaana la isweydaarsaday tacshiirad xoogan iyo qaraxyo soconayay mudo ku dhow sadex saacadood,waana dagaalkii ugu qasaaraha badnaa ee u dhaxeeya dhinacyadaasi oo halkaasi ka dhaca mudooyinkii ugu danbeeyay.

    Wararka ugu dambeeya ee ey helayso Shabakada wararka Ee wariyeyaalkeena  ayaa waxaa ay sheegayaan in wali ciidamada Ethiopia ay joogaan goobtii looga gubay Gawaarida Ayadoo Labada Jihaba Ay Ku Suganyihiin Xoogaga Alshabaab Iyo Xoogaga Midowga Maxaakiimta Oo Ay U Wada Dhanyihiin Dagaalkaasi.

    Ilaa iyo iminka deegaanadii ay dagaaladu kadheceen ayaa waxaa ay yihiin kuwa cid ah iyadoo ciidamada Ithopia lasheegay in tooganayaan cid walba ay ku arkaan deegfaanada ay iayaga degenyihiin.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)