Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 2 votes)

    Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa Muqdisho Max'ed Dheere ayaa lagu eedeeyay dagaaladii xalay ka dhacay deegaanka Ceel Cirfiid iyo kii dhawaan ka dhacay Siinka Dheer in ay ka danbeeyay Ururka Al Shabaab.

    Max'ed Dheere ayaa ku sheegay warsaxaafadeedkaasi in isu geynta dadkii lagu dilay weeraradaasi ay ka badan yihiin 15 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah iyo ciidamo Boolis ah sida lagu cadeeyay warsaxaafadeedkaasi.

    Waxaa sidoo kale warsaxaafadeedka ku qornaa in Al Shabaab uu ku xiran yahay Urur weynaha Al Qaacida ee Caalamka kaga jira Jihaadka xoogan ee ka dhanka ah ciidamada reer galbeedka ee ku duulay dalal dhowr ah oo Islaam ah.

    Sidoo kale Max'ed Dheere waxa uu ku eedeeyay xoogaga Al Shabaab in ay weerarkoodii Siinka Dheer kasoo qaadeen dhanka Ceelasha Biyaha,halkaasi oo dhawaan Xubno ka tirsan Baarlamanka oo booqday ay tilmaameen wax xoogag hubeysan in aysan joogin.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)

    More News