Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 1 votes)

    Hotel Madiina Almunawara oo ku yaala Gudaha suuqa Bakaaraha ayaa ciidamada Dowlada fadaraalka gabi ahaanba waxay dab  qabteen dhismaha Hodelkaasi. 


     Hotelkan oo ka mid ahaa hoteelada yar yar ee ku yaala Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ka muuqda inuu gabi ahaanba baaba’ay waxaana mar aan booqanay kula kulanay milkiilaha hotelka oo Soomaalinews u sheegay inay ku gubteen dhamaan hantidiii taalay Gudaha Hoteelka.

     Waxaana intaa uu ku daray inay jireen lacago iyo hanti farabad oo ku taalay gudaha hotalka inay dab ku qabteen ciidamada Dowlada oo dadka u diiday inay baqtiyaan dabkaasi, isagoo xusay inay kaga baaba’day hanti uu ku qiyaasay $65ooo oo doolar sida uu yiri waxaana uu umada soomaaliyeed ugu baaqay inay arkaan tacadiyada Ciidamada dowlada ay kula keceen Hantidiisa.

    Sidoo kale waxaan lakulanay mid ka mid Gabdhihii ka shaqaynaya Hotelka oo inuu xaqiijiyay inay dab laqabadsiiyay hotelka xili ay gudaha ugu jireen, islamarkaana waxay sheegtay inay galeen iyada iyo gabar kale suuliya Hotelka waxayna sheegtay markii ay u adkaysan waayeen kuleelka dabka ay si hal halaal ah gaga soo bexeen hotelka, iyadoo allaah mahadaas u celisay inuu ka badbaadiyay dabkaas oo ahaa mid xoogan


    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)

    More News