Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

     

     

     

    Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in haatan dagaallo qaraar ay ka holcayaan dhowr deegaan oo kamid ah gobolkaasi iyadoona dagaaladaasi ay si wada jir ah ugu jiraan ciidamada maamulkada Sh/Dhexe iyo Hiraan.

    Deegaanka Buur Abuuto ayuu dagaalku si xoogan kaga soconaya halkaasi oo ay ku hardamayaan ciidamo ka amar qaata Maxaakimta Islaamka iyo kuwa kale oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Hiiraan Yuusuf Daba Geed.

    Dagaalkaasi ayaa ka danbeeyay markii baabuur uu lahaa Daba Geed ay miino la kacday xili ay kusii jeedeen goobta dagaalka waxaana halkaasi ku geriyooday tiro kamid ah askarta ilaalada u aheyd.

    Xaalad casbi badan ayaa caawa laga dareemaya magaalada BaladWeyne ee xarunta Hiiraan iyadoona meel waliba la dhigay ciidamo fara badan sida ay shabakadda boondheere.com u sheegay  cawil oo ku sugan Beled Weyne.

    Dagaaladaasi iyo wixi kusoo kordha kala soco Shabakadda Boondheere.com oo si toos ah usoo gudbin doonta wixii cusub Insha Allaah.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)