SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Taliyaha qeybta booliska gobolka hiiraan G/sare Cabdi Aadan Cadow oo shir jaraa'id maanta ku qabtay gudaha magaalada b/weyne ayaa waxaa uu ku sheegay in uu san la shaqey doonin maanta waxii ka dambeysa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabo-geed ka dib markii qilaaf ba'ani uu soo kala dhaxgalay taliyaha qeybta booliska gobolka iyo gudoomiyaha gobolka.
G/sare Cabdi Aadan Cadow waxaa uu sheegay in uu isaga tagay shaqada maamulka ciidanka gobolka ka dib markii shaqadiisa la soo faro galiyay islamarkaana uu ku eedeynayo arrintaasi gudoomiyaha gobolka Hiiraan.
Cornelka waxaa uu intaasi ku daray in gudoomiyaha uu ku amray in saldhiga uu ka dhigo xabsi taasina aysan ahayn sida uu sheegay taliyaha qeybta gobolka hiiraan wax sharci ah isagoo intaasi raaciyay in gudoomiyaha uu doonayo in uu dadka uu isagu soo xirxirto uu doonayo in lagu haayo saldhiga taasina aysan suurtoobeynin.
Cabdi Aadan Cadow waxaa kaloo uu ku eedeeyay gudoomiyaha gobolka hiiraan in wax tixgalin ah uusan ka helin sidookalana lacagaha canshuurta uu ku gato sida uu cadeeyay gawaarida dagaalka ee loo yaqaano diknikada taasoo uu ku tilmaamay in uu rabo sida hogaamiye kooxeed dagaal inuu noqda waxaana uu sheegay in gudoomiyaha gobolka hiiraan uu sharciga ku tumanayo islamarkaana uu igu yiri buu yiri "sharciga aniga ayaa ka weyn"
Eedeynta loo soo jeediyay ayuusan wax jawaab ah ka bixin gudoomiyaha gobolka hiiraan iyadoo horayna sidan oo kale eedeyn u soo jeediyeen Gudoomiyayaasha Degmooyinka B/weyne iyo Bulo-burte.
Qilaafkan cusub ee u dhaxeeyo taliyaha qeybta gobolka iyo gudoomiyaha gobolka hiiraan ayaa yimid sida uu inoo cadeeyay taliyaha qeybta booliska gobolka hiiraan ka dib markii uu rag u xirxirnaa maamulka gobolka mudo 20 cisho ah kuwaasoo maamulku ku eedeeyeen in ay ka qeyb qaateen weerarkii xoogaga maxaakiintu ku soo qaadeen xili habeen ah gudaha magaalada b/weyne in ay ka qeyb qaateen uu si damiin ah u si dayay isamarkaana uu amar ku siiyay gudoomiyaha gobolka in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo celiyo xabsiga taasina uu ka biyo diiday taliyaha qeybta booliska.
Ma'ahan markii ugu horeeysay ay isqabtaan saraakiisha ugu sareyso maamulka gobolka hiiraan iyadoo tanina badanaa ay dhacdo islamarkaana laysku qabto arrimo u badan lacago iyo shaqo inta badan iyaga ayaa dib isku xaliyo marka laga reebo mararka qaar oo ay xalintooda soo kala dhaxgalaan saraakiisha ciidamada ethiopia ee ku sugan duleedka magaalada B/weyne.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Nuur Cadde oo hadalkii hay’adaha Q.M jawaab ka bixiyey.....
- Ciidamo uu hogaaminayay gudoomiyaha gobalka hiiraan oo u ambabaxa dhankaa iyo buleburte ka dib markii xaq udirirka...
- Muwaadiniinta soomaaliyeed oo maanta xoog kula wareegay degmada jowhar....
- WIILKII MELEZ ZENAWI, LAQANYO, OO ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA KA DALBADEY INUU KU SOO BIIRO
- Lamaanaha ugu dada yar oo laaysku guuriyay
- Ciidanka DKMG ah oo galabta ka baxey qeybo ka mid ah jidka Wadnaha.
- Boliiska Toronto oo soo helay ragii dilay Cantar jeenyo wiilkiisa oo berito maxkamad la soo joojindoono (Daawo Video)
- Isbitaallada Muqdisho oo la gaarsiiyay Dhaawacyadii ugu badnaa ee laga soo qaado Bakaaro.
- Diyarad basaas aheyd oo kusoo dhacday duleedka mag. Marka
- Ninkii faraxumeeyay arday Mareykan ah ee loo maleeynayay inuu yahay soomaali oo noqday Etophian...
- Wafdi u hogaaminaayo gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Casmara ugu laabtey wadata
- Hoobiyeyaal si ba'an loola dhacay Madaxtooyada,iyo Kuwa jawaabo ah oo haatan ku socda Suuqa Bakaaraha.