Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 1 votes)

    Sida la xaqiijiyay warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalkii saakay waabarigii ka bilaawday nawaaxiga wadada warshadaha gar ahaan agagaarka warshadii hore ee baatsada kaasi oo u dhaxeeya ciidamada itobiyaanka ah iyo dhalinyarada soomaaliyeed ee difaacaya qadiyada iyo magaca diinta dalka .


    Dagaalkani ayaa ku bilaawday rasaasta qoryaha fudud iyo kan culus oo ay ka mid yihiin baasuukayaasha balse warar hordhac ah oo haatan soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan ciidamo itobiyaan ah oo gaaraya ilaa 5- oo yaala wadada u dhaxeysa Sos iyo kan baastada walina aysan u suurto galin Ciidamada itobiya in ay ka qaadaan Maydka wadadaasi dagaalka oo wali soconya.

    Dhinaca kale dagalkan ayay wararku sheegayaan in uu jiro qasaare ka soo gaaray dadka shacabka ah sida madaafiicda balse dad goob joogayaal ah ayaa waxay sheegayaan in ay arkayeel ilaa 2-qof oo rayid ah maydkooda halka aan wali la xaqiijin Qasaaraha soo gaaray dhalinyarada is ka bar bar dagaalama ee alshabaab iyo maxkamadaha islaamiga.

    Dagaalkani ayaa ahaa midkii ugu cuslaa ee maalmahaan dhaca wallow la sheegayo in dhalinyarada ay si bareer ah saakay ugu qaadeen goobahaasi dagaalka balse ma jiraan guulo aan ka ahayn geerida soo gartay Ciidamada itobiyaanka ah oo la sheegayo.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)

    More News