Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Warar caawo naga soo gaaray magaalada Muqdisho, oo aan ka soo xiganay ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in saraakiisha Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan in ay hub ka dhigis ku sameeyeen Max,ed dheere & Dhagaxtuur labadan nin ayaa ah qabqablayaal dagaal oo gaaladda xabashida ah la socda.

    Hubka dhigista  lagu sameeyey Maxed dheere ayaa ku soo beegantay 2 cisho kadib markii la soo gaarsiiyey qoraal uu ku saxiixnaa raisul wasaaraha xukuumada federaalka Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde), qoraalkaasoo loogu sheegay max,ed dheere inuu hubkiisa soo wareejiyo, isagoo soo jeedintaas ka biyo diiday kuna tilmaamay mid aan suurtagal aheyn in hub ka dhigis lagu sameeyo masúuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, xilli magaalada Muqdisho ay weeraro aan kala go’ laheyn ku geysanayaan kooxaha muqaawimada.

    Sarkaal Itoobiyaan ah oo horkacayey ciidamo aad u fara badan ayaa Maxed dheere maanta kala wareegay dhammaan baabuurtii dagaalka ee uu haystay, waxaana sidoo kale, hub ka dhigis lagu sameeyey Maxed Cusmaan Dhagaxtuur.

    “Hub ka dhigistu waxaa ku shaqo leh dowladda federaalka, mana ahan in Itoobiyaanku ay arrimahaasi soo farogeliyaan, waana wax qaldan in gobolka Banaadir oo keliya hub ka dhigis lagu sameeyo, iyadoo goboladii kale hubkoodii haystaan waxaana halkaasi ka dhalan kara tuhun” ayuu yiri mid ka mid ah guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir oo ka gaabsaday magaciisa, wuxuuna intaasi sii raaciyey.

    “Hubka Xamar keliya laga dhigayo, haddana maamulka gobolka Banaadir loo gaar yeelay, cidda hub ka dhigista sameyneysana ay yihiin Itoobiyaan waa arrin cawaaqi xumadeeda leh”

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)

    More News