SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Wararka naga soo gaaray deegaanka Cigaal Holel ee u dhexeeya leego iyo Buur Hakaba ayaa sheegaya in halkaasi ay ku waxyeeloobeen 3 gaadiidka Uuraalaha Itoobiyaanka kuwaasi oo kuso jeeday Muqdisho kadib markii weerar culus lagu qaaday.
Wariye madax banaan oo ku sugan deegaanka Leego aya sheegay in ay maqleen dhowr saalbo oo Baasuukayaal ah iyo qaraxyo waaweyn kuwasi oo lala eegtay gaadiidkii Itoobiyaanka iyadoona ay taasi keentay in qarakood bas beelaan.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa weerarkaasi kadib lagu beegsaday bambaanooyinka gacanta iyo sidoo kale qoryaha fud fudud iyadona mudo daqiiqado ah kadib ay arrintu dhamaatay.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u careysan ayay wararku sheegayaan in ay gudaha u galeen deegaanada ku teedsan goobta weerarka halkaasi oo ay kasoo qab qabteen dad fara badan oo xoolo dhaqato u badan.
Xoogaga Al-Shabab ayay wararku sheegayaan in ay weerarkaasi qaadeen sida wariyaha madax banaan uu sheegay iyadoona aysan aheyn marki ugu horeysay ee xoogagaasi weerar kaasi lamid ah ay isla goobtaasi ka geystaan.
Dhawaan ayay la wareegeen gaadiid ay lahaayeen wasiiro ka tirsan dawladda Federaalka kadib weerar gaadmo ah oo ay ku dileen ilaa 4 askari ayna ku qaateen hub fara badan.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Dagaaliyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gaaray degmada Bardaale halkaasina si weyn ay dadweynuhu ugu soo dhaweeyeen.
- Qarax goor dhaw ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, kaasoo Sababay dhaawac dad rayid ah..
- Isbaheeysiga Dib u xoreeynta oo ku Hanjabay Ineey isaga baxayaan Wada hadalada Lagu balan san yahay Dalka Jabuuti
- Afhayeenka Maxaakiimta Islaamiga oo Falkii Mareeykanka uu ku Dilay Macalin Aadan Ceeroow ku tilmaamay Fal Fulaynimo ah (Dhageeyso)
- Dagaal yahada Ururka Al shabaab oo maanta lawareegay Degmada Ufurow ee Gobalka Bay.
- Xoogagga kasoo horjeeda dowladda oo xalay galay Baladweyne iyo qaar kamid ah Maamulkii Gobolkaasi oo iscasilay.
- Itobia & Uganda oo lagu eedeeyay in ey hub siiyeen kooxaha ka dagaalama Somalia
- Gudoomiyaha Isbaheysiga Xoreynta dalka Somaliya oo ku eedeeyay Eritrea in ay kala qeybin ku wado (Dhageeyso)
- Dagaal xoogan oo caawa ka dhacay Isgoyska Ex Control Balcad iyo hareeraha Warshadii Baastada.
- C/QAASIM SALAAD XASAN: “C/llaahi Yuusuf haddii uu is-leeyahay C/qaasim ha cararo, haddii aan cararayo mar hore ayaan carari lahaa.
- Qarax Ciidanka Ugandha Ee Amisom lagula Beegsaday Wadada aada Garoonka Aadan Cade
- Shiikh Xasan Daahir oo sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka saarayaan Soomaaliya, Shirka Jabuuti-na aysan waxba ka soo baxeynin